Ole Gunnar Solskjaer Oo Dalbaday Xiddig U Ciyaara Real

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaysa inay lasoo saxeexato xiddig ka tirsan Real Madrid kaddib markii ay ku guul-darraysteen inay lasoo saxeexdaan Jadon Sancho oo ahaa bartilmaameedka koowaad ee Red Devils ee xagaagan.

Man United ayaa xalay heshay jawaabta dalabkii ugu dambeeyey ee ay ka gudbiyeen Sancho, waxaanu ahaa mid aan ka farxin oo Borussia Dortmund ay mar kale kasoo diidday.

Waxa kale oo ka horreeyey oo Manchester United ay ku fashilantay ciyaartooyo ay dalbatay oo ay ka mid ahaayeen Sergio Reguilon, Gareth Bale iyo Jack Grealish oo muddo dheer isagana lala xidhiidhinayay, waxaana labada hore oo Real Madrid ka tegay ay u wareegeen Tottenham, halka Grealish uu qandaraas cusub u saxeexay Aston Villa.

Laacibkii ugu dambeeyey ee Red Devils ay ku raad-joogtay ayaa ahaa difaaca bidix ee reer Brazil ee Alex Telles oo ka tirsan FC Porto isla markaana ay kooxdiisu wada-hadallo kula jirto United, lana filayo in maalmaha kooban ee ka hadhsan suuqa iibka ay si rasmi ah ula soo wareegto.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxa uu hadda calaamadsaday laacib ka tirsan Real Madrid oo uu rumaysan yahay inuu si fudud ku heli karayo, isla markaana qaab lacag la’aan ah ugu iman karaya.

Weeraryahanka reer Serbia ee Luka Jovic oo Real Madrid aan ku haysanin boos, sannadkii uu joogayna ku dhibaatooday kursiga kaydka ayay Manchester United doonaysaa inay la saxeexato, iyagoo ku qaadanaya heshiis sannad amaah ah.

Zinedine Zidane ayaa laacibkan kusoo bilaabay kulankii ay guusha kaga gaadheen Real Betis horraantii usbuucan, waxaana uu mar kale kusoo daray liiska kooxdiisa ee kulanka caawa ay ku martigelinayaan Real Valladolid. Laakiin tababaraha reer France ayaa la sheegay inuu aqbalay in laacibkan lagu diro amaah uu ciyaartiisa sare ugu soo qaado.

Saddex kooxood oo Talyaani ah oo kala ah AC Milan, Inter Milan iyo Roma ayaa shalay ku jiray safka hore ee kooxaha uu laacibkani midkood ku biiri doono, laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa kasoo dul-dhacay, waxaana la sheegay inuu doonayo inuu kaga guuleysto saxeexa gool-dhaliyahan naadiyada Talyaaniga ah.

Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood oo ah weeraryahannada rigliga ah ee uu Solskjaer haysto ayaa waxa kaliya oo kursiga kaydka u fadhiya Odion Ighalo oo ay amaah kaga soo qaateen horyaalka waddanka China.

Sida uu qoray wargeyska Diario AS, Manchester United ayaa wada-hadallo la bilowday Real Madrid, si ay u hesho Luka Jovic.

Si kastaba, suuqa iibka ciyaartoyda oo xidhmaya October 5 ayay Man United u baahan tahay inay si adag u shaqayso maalmaha kooban ee ay haystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More