Muxuu Ahaa Hadalkii Aflagaadada Ahaa Ee Uu Jose Mourinho Ku

Shaki kuma jiro in Frank Lampard uu cadaadis badan saaran yahay xagaagan. Ka dib markii uu qarashgareeyay 220 milyan ginni, waxaa laga filanayaa inuu koobab keeno Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

Liiska koobabka laga doonayo waxaa u hooseeya Carabao Cup laakiin marka aad ka horimaaneyso kooxda Tottenham oo uu hogaaminayo Jose Mourinho waa qasab inaad si dhab ah u wajahdo tartanka.

Lampard ayaana sidaasi sameeyay isagoo shax xoogan u magacaabay kulanka Tottenham Hotspur Stadium ee wareega 16ka ee Carabao Cup.

Timo Werner ayaa hogaanka u dhiibay Chelsea daqiiqadii 19aad laakiin daqiiqado ka dib waxaa la arkayay labada tababare oo isku dhacay islamarkaana isku qeylinaya.

Wuxuu ahaa dagaal u dhaxeeyay macalin iyo ardaygiisa iyadoo Lampard uu ku qeyliyay tababarihiisa hore Mourinho.

Dabcan Lampard seddex jeer ayuu gacanta sarre ka helay Mourinho wuxuuna doonayaa inuu markii afaraad ka guuleysto.

Waxayna u muuqataa in Mourinho uusan ku faraxsaneyn xaqiiqdaas.

Old friends Lampard and Mourinho are exchanging a few words on the touchline here at the Tottenham Hotspur Stadium.

Watch live now on Sky Sports Football ?Follow online here: https://t.co/dx2azGi4yc pic.twitter.com/R3zc8gLMtE

— Sky Sports Football (@SkyFootball) September 29, 2020

Mudadii ay ku doodayeen kursiga keydka waxaa la maqlayay tababaraha Tottenham Jose Mourinho oo ku eedeynaya Lampard inuu istustus sameynayo isagoo ku yiri:

“F***ing hell Frank, marka 3-0 lagaaga badinayo halkaan ma soo istaagtid”

Ma ahan markii ugu horeysay ee Lampard ay isku dhacaan tababare weyn iyadoo sidoo kale ay isku dhaceen tababaraha Liverpool kulankii ay Reds qaadeysay koobka horyaalka Premier league.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More