“Marka Aad Musqusha U Baahato Waa Inaad Cararto” – Eric Dier

Eric Dier ayaa qirtay in Jose Mourinho aanu ku faraxsanayn inuu ka baxo garoonka oo uu suuliga tago iyadoo ciyaartu socota, waxaase uu sheegay inuu yahay ‘wicitaan dabiici ah’ oo marka laguu yeedho ay qasab tahay inaad tagto.

Spurs ayaa xilli dambe barbarraysay Chelsea oo 1-0 ku hoggaaminaysay inta badan, waxaanay ugu dambayntii Tottenham ku adkaatay rikoodheyaal 5-4 ah iyagoo iska xaadirisay wareegga shanaad ee Carabao Cup.

Ciyaarta ayay ka dhaceen arrimo layaab lahaa, waxaanay midda hore ahayd inay isku dhaceen Jose Mourinho iyo Frank Lampard oo hadallo qalafsan isku weydaarsaday laynka garoonka, iyadoo uu Jose Mourinho ku ganay ardaygiisa hore ereyo adag oo ay ka mid ahaayeen: “Markii 3-0 lagugu garaacayay kursiga ayaad fadhida, haddana halkan ayaad taagan tahay.”

Laakiin Lampard ayaa isaguna jawaab cadho leh ka bixiyey, inkasta oo ciyaarta kaddib ay labadooduba sheegeen inay ixtiraam badan isku hayaan.

Riwaayadda ugu weyn ee garoonka ka dhacday waxay ahayd in laacibka Tottenham ee Eric Dier uu qaybta dambe ee ciyaarta oo sii dhamaanaysa u baahday inuu musqusha tago, isla markaana uu si degdeg ah ugu dhaqaaqay dhinaca Tunelka garoonka, halkaas oo Mourinho oo cararayaa kaga daba tegayy.

Dhamaadkii ciyaarta ayuu Dier la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “Special One kuma faraxsanayn, laakiin may jirin wax kale oo aan samayn karayay, dhan ahaantii. Dabiicigii ayaa isoo wacay.

“Waxa aan maqlay fursad aniga oo garoonka ka maqan, laakiin nasiib wanaag may dhalinin, annaga ayaana guuleysanay.”

Mourinho ayaa markii ay Chelsea sigtay goolka Tottenham waxa uu ka daba cararay Eric Dier oo ku maqnaa xamaamka, booskiisuna bannaanaa, waxaanu isku dayay inuu soo dedejiyo si uu ciyaarta ugu soo celiyo.

“Wuu tegay, waanan ogaa inay ahayd inuu tago. Laakiin … waa laga yaabaa inay caadi iska tahay marka aad gebi ahaan ba fuuq-baxdo, marka aanay murqahaaga waxba ku jirin. Waan ogaa inay ahayd inuu tago xamaamka, laakiin waxaan isku dayayay inaan cadaadis soo saaro si uu garoonka ugu soo laabto waqtiga hadhay.” Ayuu yidhi Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal waxa uu amaanay Eric Dier oo uu xusay inuu tusaale u yahay dad badan, waxaanu yidhi: “Wuxuu tusaale wanaagsan u ahaa qof kasta oo ciyaaray labadan kulan, dabcan, haddii aanay masuuliyiinta kubadda cagtu daryeelin ciyaartoyda, aniga ayaa daryeelaya, sidaa darteed, Eric Dier ma ciyaari kari doono kulanka Khamiista.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More