Lionel Messi Oo War Weyn Oo Kale Kasoo Yeedhay, Khilaafkii

Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay inuu wax walba u hurayo sidii ay Barcelona guulo u gaadhi xili ciyaareedkan, isla markaana uu dhamaaday khilaafkii u dhexeeyey isaga iyo maamulka oo ay meel iska dhigayaan.

Messi oo xagaagan si lama filaan ah u shaaciyey inuu ka tegayo Barcelona ayaa muran sharci iyo hadal hayn muddo socotay kaddib, waxa uu go’aansaday inuu dhamaysto sannadka uga hadhsan heshiiskiisa, taas oo mar kale uu ka dambeysiiyey hadal cadho weyni ka muuqatay oo kasoo yeedhay markii uu Luis Suarez ka tegay kooxda usbuucii hore.

Xiddiga reer Argentina oo hoggaaminayey safka Barca ee kulankii ay 4-0 ku xasuuqeen Villarreal toddobaadkan ayaa waxa uu hadda iclaamiyey inay meel iska dhigayaan khilaafkii jiray, loona baahan yahay samir iyo dulqaad si guulo loo gaadho.

Waxa kale oo uu caddeeyey inuu isagu dhinaciisa qaadanayo masuuliyadaha qaladaadka uu sameeyey, waxa ka go’anna tahay inuu kooxda guul la gaadho sannadkan.

Isaga oo u warramayay wargeyska Sport ayuu yidhi: “Kaddib khilaafyo badan, waxa aan jecelahay inay taasi soo afjaranto. Dhamaan Barcelonistas way isku duuban yihiin, waxaanay filayaan in xili ciyaareedkii ugu fiicnaa ka horreeyo.

“Muujinta samir iyo farxaddu waa dariiqa kaliya ee lagu gaadhi karo hadafkaaga, mar walba waanu midaysanahay, waxaananu u soconaa jiho kaliya.

“Anigu waan aqbalayaa masuuliyadda qaladaadkayga. Haddii ay jireen, kaliya waxay ahaayeen sidii aan usii wanaajin lahayn, una xoojin lahayn Barcelona. ”

Kabtanka Barcelona waxa uu intaas kaddib farriin u diray jamaahiirta iyo xubnaha Barcelona, waxaanu yidhi: “Waxa aan farriin u dirayaa dhamaan xubnaha iyo jamaahiirta. Haddii mid ka mid ah aan ku dhibaateeyey waxyaabihii aan sheegay ama waqti uun, yaanu shaki idinka gelin in kaliya aan mar walba ka fikirayay waxa u wanaagsan kooxda.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More