Gary Neville Oo Magacaabay SADDEXDA Meelood Ee Manchester

Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa tilmaamay saddexda meelood ee ay ka liidato kooxdiisa  hore, isla markaana ay u baahan yihiin inay iska xoojiyaan inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee ay maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.

Manchester United ayaan awood u yeelan doonin inay ciyaartoyo cusub lasoo saxeexato wixii ka dambeeya October 5 oo ah maalinta uu suuqu xidhmi doono, waxaana wali Red Devils ay ku jirtaa xaalad adag oo ka haysata safkeeda.

United ayaa ku fashilantay inay lasoo wareegto Jadon Sancho oo ay in badan ku raad-joogtay, waxaana jawaabtii ugu dambaysay ay heshay xalay, taas oo ah inay iska samirto laacibkan, laakiin waxa ay meel fiican isla marayaan Alex Telles oo difaaca bidix ah oo la rumaysan yahay inuu yahay ciyaartoyga ugu dhow ee Old Trafford iman karaya.

Gary Neville oo waqti dheer kabtan usoo ahaa Manchester United ayaa waxa uu farta ku fiiqay saddexda meelood ee ay ka liidato, haddii aanay iska adkaynina ay Red Devils xili ciyaareed kaliya oo guul-darro ah ku habsan doono.

“Waa wax laga naxo in suuqa iibka ciyaartoyda ee sannadkan oo ka mid ah kuwii ugu fududaa taariikhda Premier League, in United aanay waxba ka qabsanin.” Ayuu yidhi Neville.

Farriin uu ku daabacay bartiisa Twitterka ayaa waxa  kale oo uu Neville ku yidhi: “Waxa qasab ah inay helaan difaac dhexe, difaac bidix iyo weeraryahan inta aanu suuqu ka xidhmin!”

Waxa uu Gary Neville isweydiiyey sababta kooxaha kale ee Premier League suuqa iibka ciyaartoyga uga soo qaadanayaan laacibiin cusub laakiin United ay u aamusan tahay, waxaanu yidhi: “Kuwa kale waxay maamulayaan sidii ay wax u heli lahaayeen laakiin waa maxay sababta aanay United sidaa u samaynayn.”

Red Devils waxay xagaagan lasoo saxeexatay kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Donny van de Beek oo kaliya oo ay kasoo qaadatay Ajax, waxa se lala xidhiidhinayaa laacibiin ay ka mid yihiin Alex Telles iyo Luka Jovic, halka Ousmane Dembele uu isaguna ku jiro ciyaartoyda waqtiga dambe soo galay saaxadda hadal-haynta ee la xidhiidhinta Man United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More