Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Manchester United Oo Isku Dayaysa Inay Lasoo Saxeexato

Manchester United ayaa la sheegay inay isku dayayso inay dib ula soo saxeexato xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo la sheegayo inuu ka tegayo kooxdiisa hadda ee Juventus.Ronaldo oo hore ugu ciyaaray Manchester United sannadihii u dhexeeyey 2003-2009, lana qaaday saddex Premier League, Champions League iyo tartamada kale ee maxalliga ah ayaa waxa mar kale ay Red Devils doonaysaa inay kusoo celiso Old Trafford.Xiddigan oo sannadkii 2009kii ay Real Madrid ku iibsatay lacagtii ugu badnayd waqti aanu Sir Alex Ferguson…

Saddexlayda Ugu Khatarsan Iyo Kooxaha Ugu Weerarka Wanaagsan

Imaatinkii Luis Suarez ee Atletico Madrid, waxa uu abuuray in Diego Simeone ay hesho saddexlay khatar ah oo ay u fududdahay inay goolasha dhaliyaan, sidoo kalena ah cudud laga  sii baqdo.33 jirka reer Uruguay ayaa helay Joao Felix iyo Marcos Llorente oo u baahnaa inay khibrad ka korodhsadaan, isla markaana uu u noqdo macallin ay kaga daydaan qaabka gool-dhalinta iyo dhiirranaanta.Saddexdan ciyaartoy ayaa ah kuwa goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka LaLiga, waxaanay saxeexeen 17 gool illaa hadda.Diego Simeone xili…

PSG Oo Aqbashay Inay Samaysay Qalad Weyn Oo Ay Ka

Agaasimaha ciyaaraha Paris Saint-Germain ee Leonardo ayaa qirtay in kooxdiisu ay samaysay qalad weyn markii ay ogolaadeen in Thiago Silva uu si bilaash ah ugu biiro Chelsea xagaagii tegay.PSG oo tagtay finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii hore ayaa go’aansatay in aanay wax heshiis ah u bandhigin ruug-caddaagan difaaca ee Silva, waxaana ka faa’iidsaysatay Chelsea oo lasoo saxeexatay, laakiin hadda ayay ka qoomamoonayaan go’aankaas.“Mararka qaarkood, waxaanu nidhaahnaa ‘maxaynu samaynaynaa.’ Si cad ayaanu ula…

“Fadlan Naga Qari Oo Yaanaan Arkin Firmino Mar Dambe” –

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa lagula taliyey inuu muddo laba toddobaad ah kursiga kaydka u diro laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino, isla markaana uu booskiisa ka ciyaarsiiyo Diogo Jota.Halyeygii hore ee difaaca Liveprool ee Jamie Carragher ayaa u sheegay tababaraha kooxdiisa hore, in Roberto Firmino ay tahay inuu kasoo muuqdo kaydka, waqtiganna aanu sii ahaan karayn doorashada koowaad ee afka hore ee weerarka.Firmino ayaa kulamadii ugu dambeeyey hoos u dhac lagu arkayay xilli uu Anfield yimid Jota oo bandhig…

Kumaan Ahay? Qur’aan Ayaan Akhristaa Kulan Walba Ka Hor,

Haddii aad sheegtay inuu xiddigaan yahay Mesut Ozil waad ku saxan tahay.Xiddiga asalkiisa Turkiga yahay balse u dhashay dalka Jarmalka Mesut Ozil waa xiddig Muslim ah iyadoo aabihiis Mustafa uu Jarmalka tagay isagoo labo sanno jir ah.Ozil oo haatan ka maqan garoomada ka dib markii ay Arsenal ka reebtay liiska xiddigaha Premier League iyo Europa League ayaa xaqiijiyay sannadkii la soo dhaafay in mar walba uu garoonka soo galayo inuu akhristo aayado Qur’aan ah.Wareysi uu siiyay jariirada Daily Star ayuu Ozil ku yiri: “Waxaan…

30kii Ciyaartoy Ee Ugu Qaalisanaa Dunida Ee Ay Da’doodu Ka

Ciyaartoydii ugu qaalisanaa kubadda cagta ee ay da’doodu ka hoosaysay 18 jirka xilligii la kala iibsaday ayaa daboolka laga qaaday kaddib markii da’yarka Jude Bellingham looga yeedhay xulka qaranka England ee kulamada caalamiga ah ee dhamaadka toddobaadkan iyo usbuuca dambe.Laacibkan khadka dhexe uga ciyaara Borussia Dortmund ee Bellingham ayuu tababare Gareth Southgate ugu yeedhay xulka, waxaanay u noqonaysaa markii ugu horreysay ee xulka waaweynka uu ka mid noqdo.€23 Milyan oo Gini oo Borussia Dortmund ay kasoo bixisay…

Neymar Jr Oo Laga Mamnuucay Barta Bulshada Ee Twitch-ka

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa laga xayiray isticmaalka bartiisa bulshada ee Twitch-ka bil kaddib markii uu kusoo daabacay lambarka telefoonka weeraryahanka Everton ee Richarlison.Neymar oo ah ciyaartoyga ugu qaalisan dunida, uguna biiray PSG lacag dhan £200 Gini sannadkii 2017kii, ayaa bartiisa bulshada kusoo daabici jiray tababarradiisa iyo ciyaaraha uu sameeyo.Bishii October oo kaliya, waqti badan kumay qaadanin inuu helo ku dhowaad 800,000 followers, laakiin hadda marka la isku dayo in janalkiisa lagu xidhmo, waxa uu…

Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda PSG Kaddib Go’aankii Ay Ku

Cristiano Ronaldo ayay kooxdiisa Juventus doonaysaa inay iibiso kaddib laba xilli ciyaareed oo uu la qaatay, waxaana la sheegayaa in durba uu dalab ka yimid kooxda reer France ee PSG.Agaasimaha kubadda cagta PSG ee Leonardo ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay tahay koox awoodda inay heshiis la gaadho 35 jirka reer Portugal, isla markaana siin karta mushaharka badan ee uu ka qaato kooxdiisa hadda ee Juventus.Haddii uu tago PSG, laacibkan ayaa ka garab ciyaari doona xiddigo waaweyn iyadoo uu weerarka ugu khatarta badan la abuuri…

Guddoomiyihii FA-ga England Oo Is-casilay Kaddib Ragga

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta England ee Greg Clarke  ayaa hadda shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayay.Greg Clarke oo uu saaran yahay culaysyo kala duwan ayaa ku qasbanaaday inuu shaqada ka tago, isla markaana uu raalligelin ka bixiyo cunsuriyad uu sameeyey oo caddaymahooda loosoo bandhigay wasaaradda Dhaqanka, Warbaahinta Guddida Ciyaaraha iyo Digitalka, salaasadii maanta.Waxa kale oo keenay iscasilaaddiisa inuu ka hadlay dadka isku jinsiga ah ee ‘wax iska daya’, iyadoo uu ragga qowu-luudka ah ku tilmaamay…

Ice Cream Ayuu Dariiqyada Ku Iibin Jiray, Man United Iyo

Diego Carlos waxa uu soo maray safar dheer oo dhinaca nolosha ah oo kasoo bilaabmay meel aanu kuba fikirin inuu ciyaartoy noqonayo waxa ugu weyn ee uu ka shaqeeyaana ahaa sidii uu qoyskiisa uga caawin lahaa quutal-daruuriga, laakiin waxa maanta loogu yeedhay oo uu ka mid yahay xulka qaranka Brazil.27 jirkan difaaca uga ciyaara Sevilla waxa uu waddankiisa kala qayb-gelayaa kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Venezuela iyo Uruguay ee toddobaadkan iyo midka dambe, waxaana sheekadiisa iyo qisooyinkiisa nololeed soo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More