Edinson Cavani Oo Magacaabay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Marka

Weeraryahanka cusub ee Manchester United ee Edinson Cavani ayaa shaaciyey magaca kooxda uu usii ciyaari doono marka uu dhamaysto qandaraaska uu Isniintii u saxeexay United.

33 jirkan reer Uruguay ayaa qalinka ku duugay hal sano oo heshiis rasmi ah iyo sannad kale oo doorasho ah oo isaga ku xidhan inuu sii joogo Manchester United iyo in kale, waxaana muddada uu joogo dhabarkiisa ka muuqan doona lambarka caanka ah ee No.7 oo ay xidhan jireen halyeeyadii naadiga soo maray.

Laacibkan oo si xor ah u yimid Old Trafford kaddib markii uu dhamaaday heshiiskiisii PSG ayaa waxa uu sannadkii mushahar ahaan u qaadan doonaa £10 milyan oo Gini, waxaana inta uu joogo uu geli doonaa liiska xiddigihii xammili kari waayey culayska No.7 ee fashilmay ee ay ka mid ahaayeen Memphis Depay, Angel Di Maria iyo Alex Sanchez ama halyeeyadii isku qoray taariikhda quruxda badan ee sida Cristiano Ronaldo, David Beckham iyo Eric Cantona.

Cavani oo waraysi siinayay warbaahinta Maraykanka ah ee ESPN kaddib heshiiskiisii Manchester United ayaa waxa uu shaaciyey kooxda u xigi doonta Manchester United ee  uu usii ciyaari doono ka hor inta aanu ciyaaraha ka fadhiisan.

Kooxda reer Argentina ee Boca Juniors oo uu madaxweyne ku-xigeen ka yahay Juan Roman Riqueleme ayaa xidhiidh lasoo samaysay Cavani sida uu sheegay, waxaana marka uu ka tago Manchester United uu waqti kusii qaadan doonaa naadigaas.

“Roman ayaa si ixtiraam weyn leh warqad iigu soo qoray, waxaanu doonayay inuu i weydiiyo sida ay tahay haddii aan ku biiri karayo kooxdaas, mushaharka aan aqbali karayo, waxaananu wada yeelanay wada-hadallo qaddarin ku dheehan tahay. Boca waa koox caan ka ah dunida oo ciyaartoy walba uu jecel yahay inuu u ciyaaro.” Ayuu yidhi Edinson Cavani.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa kale oo uu tilmaamay kooxo kale oo iyaguna ku jira liiskiisa, waxaanu yidhi: “Waxa kale oo jiray kooxo dhawr ah oo Uruguay ka dhisan oo halkaa ka ciyaara. Laakiin sheekaysigayagii Roman, waxa jiray xoogaa siro ah, isaga ayaanay tahay inaad weydiisaan haddii uu idiin sheegayo. Waynu arki doonaa wax dhaca mustabqalka, balse aad ayay u fiicnaan doontaa haddii aan awood u yeesho inaan Boca u ciyaaro.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More