Portugal Iyo Spain Oo Goolal La’aan Ku Kala Baxay, Cristiano

Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaan isku soo gaadhin garoonka gudihiisa kulan saaxiibtinimo oo barbarro goolal la’aan ah ay ku kala baxeen waddamada Portugal iyo Spain.

Ciyaar fursado badan ay heleen Spain iyo Portugal oo ay iskugu diyaarinayeen kulamada UEFA Nations League ee toddobaadka dambe ayay 0-0 ku dhamaysteen, waxaana xiddigihii indhaha lagu hayay ee Ronaldo oo ciyaarta kusoo bilowday ay is-waayeen Sergio Ramos oo markii uu CR7 baxay lasoo geliyey.

Waddanka Spain ayaa ciyaarta inteeda badan maamulayay, waxaanay ku dhowaadeen inay marar badan goolka taabtaan, hase yeeshee Portugal ayaa waqtigii dhimashada waxay iyaguna qarka u saarnaayeen inay dabbaal-degaan gool ay libinta ku helaan kulankan oo ka dhacay waddankooda.

Shaxdii labada waddan kusoo galeen

SPAIN (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Sergi Roberto, Diego Llorente, Eric Garcia, Sergio Reguilon; Dani Ceballos, Sergio Busquets, Sergio Canales; Rodrigo Moreno, Gerard Moreno, Dani Olmo.

Kaydka: David de Gea, Pau Torres, Mikel Merino, Adama Traore, Jose Gaya, Sergio Ramos, Rodri, Ansu Fati, Ferran Torres, Jose Campana, Jesus Navas, Unai Simon.

PORTUGAL (4-3-3) Rui Patricio; Joao Cancelo, Pepe, Ruben Semedo, Raphael Guerreiro; Ruben Neves, Joao Moutinho, Renato Sanches; Cristiano Ronaldo, Andre Silva, Trincao.

Kaydka: Nelson Semedo, Ruben Dias, Bernado Silva, Bruno Fernandes, Anthony Lopes, Danilo Pereira, William Carvalho, Rafa, Nuno Sequeira, Diogo Jota, Rui Silva, Joao Felix.

Tababaraha Portugal ayaa lix beddel ku sameeyey safkii uu ku ciyaaray kulankii ugu dambeeyey oo ay Sweden ku tunteen. Goolhaye Patricio ayaa kusoo laabtay biraha dhexdooda isaga oo beddelay Anthony Lopez. Dias ayaa laga tuuray shaxda koowaad oo kaydka loo diray inkasta oo uu Manchester City u dheelay kulankiisii ugu horreeyey, waxaana laga doorbiday Ruben Semedo inkasta oo ujeeddada tababaruhu ahayd inuu usii nasiyo labada ciyaarood ee adag ee UEFA Nations League ee usbuuca dambe. Waxa kale oo uu tababaruhu kusoo bilaabay Silva iyo Triancao, halka Cristiano Ronaldo uu hoggaamiyaha ahaa.

Luis Enrique ayaa isaguna safkiisa ku sameeyey siddeed beddel, waxaanu keenay Reguilon, Olmo, iyo Gerard Moreno. Goolhayaha ku dhibaataysan Chelsea ee Kepa ayaa kusoo bilowday, sidoo kalena Sergi Roberto, Llorente iyo Garcia ayaa wehelinayay Busquets, Ceballos iyo Canales.

Weeraryahanka reer Spain ee Olmo ayaa daqiiqaddii labaad ee ciyarta waxay kubbad iskugu dhiibteen xerada ganaaxa ee xulka qaranka Portugal saaxiibkiisa Gerard Moreno, waxaana toogasho aan fogeyn oo uu sameeyey isku dhigay Ruben Semedo oo ay sii dhaaftay ka hor intii aanu Patricio isku kala bixin dedaal uu iskaga qabanayo.

Daqiiqaddii shanaad ayay mar kale Spain ku dhowaatay goolka Portugal, waxaana kubbada si xarrago leh iskugu dhiibtay Ceballos iyo Olmo oo kubadda kusoo tuuray goolka hortiisa, laakiin waxay weyday cid ku qabata.

40kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ayay Spain garoonka ka arriminayeen iyagoon wax khatar ah kala kulmayn Portugal oo ay kubadda ka hayeen, waxaanay sameeyeen fursado badan oo goolal noqon karayey, laakiin waxay Portugal dhamaadkii qaybta hore heleen fursad uu Cristiano Ronaldo iskugu dayay inuu hoggaanka ugu dhiibo waddankiisa, laakiin kubadda ayaa ka dallacantay.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah, waxaana markii ay qaybta dambe bilaabmaysay ay labada tababare sameeyeen isbeddello badan maadaama ay ciyaar saaxiibtinimo tahay oo aan loo xaddidayn ina beddel ee ay samayaan.

Tababare Luis Enrique oo kaydka geliyey kabtan Sergio Ramos ayaa ku adkaystay in aanu khatar gelinin oo uu nasiyo laacibkan illaa laga soo gaadhayay daqiiqaddii 82aad, halka Fernando Santos uu garoonka ku dhex hayey Ronaldo illaa daqiiqaddii 73aad oo uu ku beddelay Joao Felix.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid ka duwan sidii hore oo ay Portugal sare usoo kacday oo ay fursado heshay, gaar ahaan mid uu Felix kusoo hujuumay goolka Spain.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ciyaarta ayay Portugal ku dhowaatay inay hesho guusha ciyaarta laakiin kubadda ayaan gaadhin shabaqa, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More