Xasuuqii Faransiisku U Geystay Ukraine, Labada Farxadood Ee

Xulka qaranka France ayaa xasuuqay dhiggiisa Ukraine oo ay isku haleeleen kulan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka qaranka ee Stade de France ee ku yaalla magaalada Paris.

Kulankan oo kabtan looga dhigay Olivier Giroud oo ay ahayd ciyaartiisii 100aad ee uu u safto France ayaa waxa uu kusoo dhamaaday bahdilaad loo geystay Ukraine oo lagu garaacay 7-1, iyadoo uu laba ka mid ah goolashana dhaliyey Olivier Giroud.

Daqiiqaddii 9aad ee ciyaarta ayuu da’yarka kooxaha badan doonayaan ee Eduardo Camavinga u furay gool-dhalinta xulka Faransiiska, waxaanu goolkaasi ahaa midkii ugu horreeyey ee uu dalkiisa u dhaliyo, iyadoo ay u ahayd ciyaartii saddexaad ee uu saftay.

Olivier Giroud oo ay habeenkiisii ahayd ayaa laba gool oo ay toban daqiiqadood oo kali ahi u dhaxeexyeen saxeexay qaybta hore, waxaana gool afraad ku qasbanaaday inuu iska dhaliyo difaaca reer Ukraine ee Vitalii Mykolenko oo xammili waayey culayskii ay xiddigaha Faransiisku saareen.

Qaybtii dambe oo uu Deschamps soo geliyey Kylian Mbappe, Pogba iyo Antoine Griezmann ayaa waxay la yimaaddeen saddex gool oo kale oo ay kaga sii jawaabeen gool madi ahaa oo Ukraine ay iska baadh-baadhay bilowga qaybta labaad.

Tolisso ayaa gool ku aftaxay, waxaana ku daray Mbappe ka hor intii aanu goolasha kulanka soo xidhin Griezmann.

Shaxdii labada xul

UKRAINE (4-2-3-1): Georgiy Bushchan; Bogdan Mykhaylichenko, Vitaliy Mykolenko, Illia Zabarnyi, Yukhym Konoplia; Ihor Khatarin, Yevhen Makarenko; Oleksandr Zubkov, Andriy Yarmolenko, Ruslan Malinovskyi; Mykola Shaparenko.

Kaydka: Olexandr Shovkovskiy, Eduard Sobol, Igor Plastun, Serhiy Sydorchuk, Roman Yaremchuk, Viktor Tsygankov, Volodymyr Shepeliev, Roman Bezus, Oleksandr Karavaev, Yevgen Cheberko.

FRANCE (4-4-2): Steve Mandanda; Lucas Digne, Clement Lenglet, Dayot Upamecano, Benjamin Pavard; Houssem Aouar, Steven Nzonzi, Corentin Tolisso; Anthony Martial, Olivier Giroud.

Kaydka: Hugo Lloris, Mike Maignan, Presnel Kimpembe, Raphael Varane, Paul Pogba, Antoine Griezmann, Kylian Mbappe, Kingsley Coman, N’Golo Kante, Lucas Hernandez, Wissam Ben Yedder.

Tababare Didier Deschamps ayaa aaminay laacibka 17 jirka ah ee Camavinga oo kusoo bilaabay, waxaana uu markiiba helay jawaabta laacibkan oo isku muujiyey gool uu daqiiqaddii shanaad ku furtay saaxiibtiisa xulka qaranka ee heerka koowaad.

Camavinga ayaa kubbad ay ka shaqeeyeen Olivier Giroud iyo Digne waxay ugu timid xerada ganaaxa oo uu isaguna ka geliyey koornaha sare ee dhinaca bidix ee goolka.

DAQIIQADIHII FARXADDA: Olivier Giroud oo ay u ahayd kulankiisii 100aad ee uu u ciyaaro Faransiiska ayay soo mareen toban daqiiqadood oo layaab lahaa oo ahaa 24aad iyo 34aad, iyadoo midda hore ahayd kubbad uu ka helay Tolisso iyo tan labaad oo uu soo xarrago ciyaaray Aouar ka hor intii aanu goolhaye George Buschan iska soo celinin ee aanay kubaddu u tegin Giroud.

Faransiiska oo farxadda kusii jira ayaa waxa culays ay saareen difaaca Ukraine ay siisay gool afraad oo noqday mid uu si qaldan iskaga dhaliyey Vitalii Mykolenko, iyadoo qaybta horena kusoo dhamaatay 4-0 uu Faransiisku la nastay goolal tiro badan.

Qaybta labaad ayuu Deschamps soo geliyey Kylian Mbappe, Griezmann, Paul Pogba iyo Varane, waxaana halkii kasii socday goolasha, waxaanay dhaliyeen saddex gool oo kale oo ay saxeexeen Corentin Tolisso, Kylian Mbappe iyo Antoine Girezmann, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 7-1.

Natiijooyinka kulamadii kale ee caalamiga ahaa:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More