Cristiano Ronaldo Oo Caawa Ka Hor Imaanaya Sergio Ramos Oo

Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos 15 koob ayay wada qaadeen muddadii ay isla joogeen Real Madrid laakiin labada nin ayaa hadalka kala goostay muddo labo sannadood ah.

Labadaan xiddig ayaa caawa iska horimaan doona marka Portugal ay la ciyaareyso Spain laakiin muddo labo sannadood ah ma aysan wada hadlin sababo la xiriira isku dhacoodii markii Luka Modric uu ku guuleystay Ballon d’Or sannadkii 2018.

Sida ay sheegtay jariirada Marca, Ramos iyo xiddigaha kale ee Real Madrid marka laga reebo Marcelo ayaa ka fogaaday weeraryahanka ka dib jawaab celintii uu ka bixiyay in xiddiga reer Croatia uu ku garaacay abaalmarinta.

Ronaldo ayaa aaminsanaa inuu sameeyay xilli ciyaareedkaas shaqo ku filan oo uu ku qaadi karay abaalmarinta markii lixaad, isagoo u sheegay warbaahinta Talyaaniga: “Dabcan waan niyadjabsanahay, laakiin nolosha waa ay soconeysaa, waan sii wadi doonaa inaan si adag u shaqeeyo.

“Garoonka dhexdiisa waxaan ku sameeyay wax walba oo aan ku qaadi karay Ballon d’Or, tirooyinka been ka sheegaan, laakiin ma murugeysni haddii aanan ku guuleysanin, waxaan heystaa saaxiibo iyo qoys cajiib ah, waxaana u ciyaaraa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican.

“Hambalyo ayaan leeyahay Modric oo shaqeystay abaalmarinta, laakiin sannadka soo socda waan kulmi doonaa mar kale, waxaana sameyn doonaa wax walba oo aan abaalmarinta ku qaadi karo.

“Ma u maleyneysaa inaan guriga aadayo oo aan ooyi doono?”

Xiddigaha Real Madrid ayaa ku qancin hadalka Ronaldo madaama ay filayeen inuu la dabaaldegi doono Modric oo in muddo ah ay iska garab ciyaarayeen, taasoo keentay in Sergio Ramos iyo xiddigaha kale ee Real Madrid inay xiriirka u gooyaan CR7 oo markaas Talyaaniga u ambabaxay.

Labada nin sagaal sannadood ayay isla joogeen Real Madrid, waxay isla qaadeen laba La Liga iyo seddex Champions League.

Waxay labaduba kabtan u noqon doonaan wadamadooda kulanka caawa. Markii ugu danbeysay ee ay labada xul iska horyimaadeen waxay ku kala baxeen barbaro 3-3 ah Koobkii Adduunka ee 2018 iyadoo Ronaldo uu seddexleey dhaliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More