Spain Iyo Portugal Oo Wada-jir Ugu Dhawaaqay Inay

Waddamada Portugal iyo Spain ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay inay u tartamayaan martigelinta Koobka Adduunka ee 2030.

Xidhiidhada kubadda cagta ee waddamadan ayaa caawa shaaciyey inay doonayaan in si wada jir ah ay u martigeliyaan Koobka Adduunka ee ku xigi doona Qatar oo 2022 lagu qabanayo iyo saddexda waddan ee Canada, Maraykanka iyo Mexico oo wada-jir u qaban doona sannadka 2026ka.

Pedro Sanchez iyo Antonio Costa oo ah madaxweyneyaasha xidhiidhada labada waddan ayaa soo bandhigay codsiga ay FIFA u gudbiyeen oo ay ku doonayaan inay ku martigeliyaan Koobka Adduunka 2030, waxaanay ku ladheen garoonka Santiago Bernabeu ee midabka dahabiga ah lagu naqshadeeyey ee dibu-habayntu ka socoto oo ay doonayaan in lagu qabto finalka.

FIFA ayaa go’aan ka gaadhi doonta halka lagu qabanayo Koobka Adduunka 2030 lix sannadood ka hor waqtiga la qabanayo, taas oo ka dhigan in sannadka 2024 lagu dhawaaqi doono, iyadoo Koobabka adduunka ee ka dambeeya 2022 ay noqon doonaan kuwo tirada waddamada ka qayb-gelaya la gaadhsiin doono 48 dal oo lagu kordhinayo 16 waddan oo dheeraad ah.

Spain iyo Portugal ayaa waxay martigelinta Koobka Adduunka 2030 kula tartami doonaan Morocco oo kalideed doonaysa inay qabto iyo afarta dal ee isku qaaradda ah ee Uruguay, Argentina, Praguay iyo Chile oo wada-jir u doonaya inay u qabtaan.

Koobkan ay labadan waddan martigelintiisa doonayaan ayaa waxa kale oo la filayaa inay kusoo biiraan waddamo kale oo fursad u haysta shaaciyaan codsigooda inta ka horreysa waqtiga loo qabtay go’aan ka gaadhista.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More