Isbedel Weyn Oo Ku Dhacay Xulka Spain, Leeds United Oo Tiro

Shaxdii xulka Spain ee finalkii Euro 2012 waxay ka koobneyd 10 xiddig oo u ciyaarayay midkood Barcelona ama Real Madrid iyadoo ciyaaryahanka kaliya ee ka baxsanaa uu ahaa xiddigii Man City David Silva.

Finalkii Koobka Adduunka ee 2010 ee ay ka badiyeen Holland shaxda Spain waxay ka koobneyd sagaal xiddig oo u ciyaareysay Barcelona ama Real Madrid iyadoo labda xiddig ee shaxda ku jiray ee aan u ciyaareynin waqtigaas labada kooxood ay kala ahaayeen daaficii bidix ee Villarreal Capdebila iyo weeraryahan David Villa kaasoo tartanka ka hor ogalaaday inuu u wareego Barcelona.

Laakiin maanta sidaasi waa ay ka duwan tahay xaalada xulka Spain, labadii kooxood ee ugu waa weyn Spain ma soo saarin inta badan ciyaartoyda xulka, waxayna la mid yihiin sida kooxda ku cusub Premier League xilli ciyaareedkan ee Leeds United.

Waqtiga wuu isbedelay iyadoo xiddigaha uu tababare Luis Enrique u soo yeertay kulanka saaxiibyinimo ee Portugal iyo kulamada UEFA Nations League ee Switzerland iyo Ukraine ay ka kala yimaadeen 18 kooxood oo kale duwan oo ay ku jiraan 10 ka ciyaarta meel ka baxsan Spain.

Tirada ciyaartoyda xulka Spain ku jirta ee u ciyaarta Leeds United ayaa la mid ah tirada ciyaartoyda xulka Spain ee Barcelona iyo Real Madrid iyadoo 10 ka mid ah xiddigaha xulka Spain ay ka ciyaaraan Premier League. Maalmihii ay Barca iyo Real heysteen xulka Spain waa laga soo gudbay.

GOOLHAYAYAAL

David de Gea (Manchester United), Kepa Arrizabalaga (Chelsea), Unai Simon (Athletic Bilbao)

DAAFACYO

Sergio Ramos (captain, Real Madrid), Jesus Navas (Sevilla), Dani Carvajal (Real Madrid), Jose Luis Gaya (Valencia), Diego Llorente (Leeds United), Pau Torres (Villarreal), Eric Garcia (Manchester City), Sergio Reguilon (Tottenham)

KHADADKA DHEXE

Sergio Busquets (Barcelona), Rodri (Manchester City), Dani Ceballos (Arsenal), Fabian Ruiz (Napoli), Dani Olmo (RB Leipzig), Sergio Canales (Real Betis), Mikel Merino (Real Sociedad), Jose Campana (Levante)

WEERARYAHANO

Rodrigo (Leeds United), Mikel Oyarzabal (Real Sociedad), Gerard Moreno (Villarreal), Ansu Fati (Barcelona), Ferran Torres (Manchester City), Adama Traore (Wolves)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More