Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Miyuu Firmino Cadaw U Arkaa Diogo Jota Oo Ku Cidhiidhinaya

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa ka hadlay sida uu u arko xiddiga ay boos wadaaga yihiin ee Diogo Jota oo suuqii xagaaga usoo wareegay dhinaca Anfield oo uu kaga yimid kooxda Wolverhampton Wanderers.Jota ayaa qaab cajiib ah ku bilawday noloshiisa Liverpool tan iyo markii uu heshiiska 41-ka Milyan ee Pound ah ugu soo biiray isaga oo 11 kulan oo uu u ciyaaray toddoba gool kusoo dhaliyay.Diogo Jota ayaa qaab ciyaareedkaas cadaadis ku saaraya weeraryahanka ree Brazil oo hore weerarka lamaane ugula soo ahaa…

Man City Oo Heshay Beddelka Aguero, Zidane Oo Ka Jawaabay

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

Barcelona Oo Xaqiijisay In Laba Dhaawac Oo Kala Daran Soo

Guul-darradii Barcelona kasoo gaadhay kulankii Atletico Madrid ee xalay ee rikoodhka xun loogu diiwaangeliyey, waxa uga sii daran dhaawacyo soo gaadhay labada ciyaartoy ee laf-dhabarta u ah ee Gerard Pique iyo Sergi Roberto.Gerard Pique ayaa qaybtii dambe dhulka ku dhacay, isla markaana awoodi waayey inuu lugihiisa si caadi ah ugu socdo, waxaana si toos ah garoonka looga saaray iyadoo labada garab ay hayaan kooxda dhakhaatiirtu.Difaacan muhiimka u ah Barcelona ayay isku dhaceen Angel Correa oo jilibka kaga qabtay taakal,…

Saddexdii Sannadood Ee Mugdiga Ayay Kasii Murugo Badan

Barcelona ku jirta xaaladdii ugu xumayd muddo 25 sannadood, waxaana ay mar kale guul-darro kasoo hoysay kulankii ay martida ugu ahayd Atletico Madrid.Tababare Ronald Koeman ayaa soo qaban kari la’ kooxdiisa, isla markaana jidka guusha kusoo celin kari la’, waxaanay guul-darradii Atletico Madrid usoo xambaarisay ay sii xoqday nabarrada daawadooda ay kooxdu wali la’ dahay ee xili ciyaareedkii hore soo bilowday, illaa haddana kasii xumaanaya.Barcelona ayaa 11 dhibcood oo kaliya ka heshay 24 dhibcood oo suurtogal ahaa, waxaanay…

Hordhac: Liverpool vs Leicester | Klopp vs Rodgers – Kulanka

Liverpool ayay sugaysaa ciyaar adag oo tijaabo weyn ku ah xili ciyaareedkeeda, taas oo ay maanta ku qaabilayso kooxda sida fiican u habaysan ee Leicester City oo hoggaanka horyaalka lumisay shalay balse dib ugu noqon doonta haddii ay guuleysato.Tababare Jurgen Klopp ayay ciyaartani ugu soo beegantay xilli ay ciyaartooyo badani ka dhaawacan yihiin, isla markaana kuwo kale xanuun uga jiifaan, khadkoodana difaacuna yahay mid madhan oo aan la saadaalin karayn.Brenden Rodgers ayaa isaguna qaba dhaawacyo laakiin kooxdiisa ayaa ah…

Waa Maxay Sababta Ay Ciyaaryahanadda Serie A Sannad Walba

Sida ay sannad walba sameeyaan ciyaartoyda horyaalka Serie A ayaa rinji casaan ah marsada wajiga todobaadkan oo kale iyagoo qeyb ka ah ololaha looga soo horjeedo tacadiyada lagula kaco dumarka.Si ay wacyigelin uga sameeyaan tacadiyada loo geysto dumarka ciyaartoyda horyaalka Talyaaniga ayaa rinji casaan ah ku calaamadeeyay wajigooda.Ololahaan ayaa sidoo kale ah mid ay ciyaartoyda sawir la soo galayaan xaasaskooda iyo saaxiibadooda kuwaasoo iyagana faruuryaha soo caseystay.Ololaha looga soo horjeedo tacadiyada ka dhanka…

Qaladkii Ugu Weynaa Ee Uu Solskjaer Sameeyay, Xiddigii

Manchester United ayaa guushii horeysay ee Old Trafford ee xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League waxay xalay ka gaartay kooxda West Brom laakiin waxay aheyd guul ay u dagaalameen iyagoo 1-0 ku badiyay.Gool rigoore ah uu dhaliyay Bruno Fernandes ayay Manchester United guusha ku gaartay.XIDDIGA GAROONKASam Johnstone (West Brom) Wuxuu sameeyay seddex badbaadin oo cajiib ah, kuwa kale oo badan ayuu badbaadiyay isagoo sidoo kale ku dhawaaday inuu Bruno Fernandes ka beeniyo rigoorada.XIDDIGA FASHILMAY EE MAN UNITEDUnited…

Seddexdii Xiddig Ee Sababta U Ahaa Guuldarada Barcelona,

Barcelona labo musiibo ayaa isagu darsantay kulankii ay ay guuldarada ka soo gaartay Atletico Madrid ee ka dhacay Wanda Metropolitano, iyadoo 1-0 lagu dilay islamarkaana dhaawacyo ay ka soo gaareen xiddigo laf dhabar u ah.Gerard Pique ayaa dhaawacmay isagoo oohin uga baxay garoonka ka dib markii Correa uu ku dul dhugay lugtiisa. Markii hore ayay Barcelona qabtay daafac yari iyadoo De Jong uu haatan ku qasbanaan doono inuu daafac dhexe ka garab dheelo Clement Lenglet. Waxaa isna sidoo kale dhaawac noqday Sergi Roberto.XIDDIGA…

Bruno Fernandes Oo Man United Ku Hoggaamiyey Guushii Ugu

Manchester United ayaa guushii ugu horreysay ee horyaalka Premier League ah ku gaadhay garoonkeeda Old Trafford, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay West Brom.Kulankan oo ahaa mid adag ayay Manchester United raadinaysay guushii labaad oo xidhiidh ah ee horyaalka iyo middii ugu horreysay ee garoonkeeda ay ku hesho, waxaana u suurtogeliyey Bruno Fernandes oo rikoodhe u dhaliyey qaybtii labaad.West Brom ayaa ku dhowaatay inay ciyaarta ku dhamayso natiijada ka beddelan sidan, waxaanu garsooraha kulanku uu siiyey rikoodhe sababi…

Atletico Madrid Oo Guul-darro Kale U Xambaarisay Barcelona,

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa guul ay u qalmaysay ka gaadhay Barcelona oo ay kusoo dhoweysay garoonkeeda Wanda Metropolitano.Kulankan oo ay si weyn loo sugayay, isla markaana labada kooxood midba ay qiimo gaar ah ugu fadhiday guushu ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 1-0 ay guushu ku raacday Atletico Madrid, waxaana goolkan madiga ah u dhaliyey Carrasco oo kubbad loogu tuuray dhinaca bidix meel cidlo ah kaga tegay goolhaye Ter Stegen oo soo baxay.Guushan ayaa Atletico Madrid ay hoggaanka horyaalka kula qabatay Real…