Akhriso Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Dhaawac Ee Sergio

Kooxda Real Madrid ayaa si ba’an uga wer-wer qabta xaalada kabtanka ahna hoggaanka kooxdeeda ee Sergio Ramos oo dhaawac qaba xilli ay berrito kulan adag booqan doonaan dhigooda Barcelona ciyaarta xiisaha badan ee El-Clasico.

Ramos ayaa ahaa mid banaanka ka ah garoonka mudo tan iyo markii uu dhaawaca jilibka ahi gaadhay ciyaartii Cadiz ee Sabtidii hore isagoo intaas kaddib tababarka kusoo laabtay balse gaar u tababaranayay.

36 sano jirkan ayaa la bedelay wakhtigii nasashada ee kulankii ay Cadiz guuldarrada kala kulmeen Sabtidii hore waxaana ay taasi shaki weyn galisay fursada uu u haysto inuu qayb ka noqdo ciyaarta Barcelona.

Kaddib ciyaartaas horyaalka qaybta ka ahayd, Sergio ayaa sidoo kale ka maqnaa kulankii ay Real Madrid markale ku hor kuftay kooxda ree Ukraine ee Shakhtar Donestk oo 3-2 uga adkaatay ciyaar UEFA Champions League ah.

Madrid ayaa kaliya 10 dhibcood ka heshay shanteedii kulan ee ugu horreysay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxaana ay ogaan doonaa daqiiqada ugu dambaysa haddii uu Ramos kahor tagayo Barca berrito.

Sida uu sheegayo wargeyska xog ogaalka ah ee Marca, kabtanka Los Blancos ayaa tababartay balse aan wali tababarka buuxa ee kooxdiisa kusoo laaban taas oo wer-wer weyn galinaysa tababare Zinadine Zidane.

Iyadoo uu taam ahaanshaha Ramos ee ciyaartaas shaki ku jiro, sidoo kale waxa hubaal ay tahay inay maqnaan doonaan Eden Hazard, Dani Carvajal, Martin Odegaard, Mariano Diaz iyo Alvaro Odriozola.

Eder Militao ayaa daafaca dhexe ee Real lamaane kula ahaa Raphael Varane kulankii Shakhtar waxaana macquul ah inay markale iska garab ciyaaraan ciyaarta Camp Nou haddii uu Ramos diyaar noqon waayo.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa bilaabmi doona iyadoo ay Real Madrid shan kulan kaddib booska saddexaad 10 dhibcood ku joogto halka ay Barcelona booska sagaalaad ku joogto toddoba dhibcood afar kulan kaddib.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More