Solskjaer Mise Lampard? Cavani Mise Werner? Saadaali Ayay
Kulan adag ayaa berri la filayaa inuu ka dhaco garoonka Old Trafford iyadoo Manchester United ay soo dhaweyn doonto kooxda Chelsea, waxayna labadaan kooxood ka mid yihiin kooxaha ku xafiiltamaya afarta kaalimood ee ugu sareysa.
Chelsea waxay ku jirtaa kaalinta 8aad iyagoo labo dhibcood iyo todoba boos ka sareeya Manchester United inkastoo kooxda Red Devils uu kulan u harsan yahay.
Inkastoo kulankoodii ugu danbeeyay ee semi-finalka FA Cup ay guusha raacday Chelsea bishii July hadana United ayaa badisay afartii kulan kale ee ay la ciyaareen Blues intii uu Solskjaer hogaaminayay kooxda Shayaadiinta Cas Cas iyadoo seddex ka mid ah ay ku badiyeen Stamford Bridge.
Kulankii Old Trafford ee horyaalka ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxaa 4-0 ku badisay Manchester United iyadoo ay goolasha u kala dhaliyeen Anthony Martial, Daniel James iyo Marcus Rashford oo labo gool dhaliyay.
Blues ayaa isbedel weyn isku sameysay xagaagan iyagoo soo iibsaday xiddigo waa weyn oo durbaba kooxda la qabsaday sida Timo Werner, Kai Havertz Ben Chilwell iyo goolhaye Meny.
Labada kooxood 56 jeer ayay ku kulmeen Premier League tan iyo intii magacaan loo bixiyay horyaalka Ingariiska, Blues ayaa gacanta sarre leh iyagoo badiyay 18 kulan halka Red Devils ay badiyeen 17 kulan, waxayna barbaro galeen 21 kulan.
Hadaba kulanka Old Trafford ayay guusha raaci doontaa? Manchester United mise Chelsea? Solskjaer miyaa guushii seddexaad ee isku xigta ee horyaalka ku hogaamin doona kooxdiisa, mise Lampard ayaa guushii ugu horeysay ee horyaalka ka gaari doona Manchester United?
Edinson Cavani miyaa kulankiisii ugu horeysay guusha u sahli doona mise Timo Werner oo durbaba furtay akoonkiisa goolasha ayaa guusha ku hogaamin doona Blues?
Aragtidaada hoose inoogu soo qor oo saadaali kulanka adag ee Old Trafford?