“Kumaad Fashilmin Ozil Ee Waxaad Ku Fashilantay…..” Wakiilka

Wakiilka kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil oo lagu magacaabo Dr Erkut Sogut ayaa farriin adag u diray tababaraha kooxdaas ee Mikel Arteta kaas oo qaab uusan ku qancin uga hadlay ciyaaryahankiisa dhawaan.

Ozil oo 32 sano jir ah ayaan Arsenal u ciyaarin tan iyo bishii March waxaana ay u badantahay inuusan mar dambe kulan tartan ah matalin kooxdaas.

Mikel Arteta ayaa liisaska kooxdiisa u metelaya kulamada Europe League iyo Premier League ka reebay Mesut Ozil oo wali ah ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda.

Mesut qudhiisa oo dhawaan ka aamusi waayay ficilada ay kooxdu ku kacayso ayaa sheegay sida uu uga xun yahay qaabka loola dhaqmayo.

Mikel Arteta oo kaddib hadalka Ozil saxaafada hortagay ayaa la weydiiyay xaalada ciyaaryahanka ayaa sheegay in sababta uu u xulan waayay ay tahay kaliya mid ciyaareed.

Waxa jirta hadal hayn ah in Ozil kooxda looga reebay sababtoo ah inuu diiday mushahar dhimis 12.5% ah oo 7.5% lagu soo koobay kaddib markii ay kooxdu UEFA Europe League usoo baxday.

Arteta ayaa ku dooday inuu ku fashilmay inuu Ozil qaab wanaagsan uga soo saaro tayadiisa balse wakiilka xiddiga oo saxaafada u warramay ayaa sheegay inuusan ku fashilmin Ozil balse uu ku fashilmay inuu jamaahiirta xaqiiqada jirta ee uu Ozil fursad usiin waayay u sheego.

“Jamaahiirta Arsenal waxay u qalmaan sharaxaad daacad ah, uma qalmaan (Arteta) oo leh waxaan ku fashilmay Ozil” ayuu yidhi Erkut Sogut oo ESPN la hadlayay.

“Kumaad fashilmin Ozil ee waxaad ku fashilantay inaad cadaali noqoto, inaad noqoto mid daacad ah oo nadiif ah oo aad ixtiraam kula dhaqanto qof qandaraas kooxda ku jooga oo daacad ahaa wakhti kasta”

“Qofkasta oo banaanka joogaa waxa uu ogyahay inuusan si cadaalad ah ula dhaqmin, isagu ma uusan siinin wax fursad ah oo uu naftiisa ku muujiyo xilli ciyaareedkan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More