“Messi Stadium” – Gerard Pique Oo U Sheegay Madaxda

Daafaca dhexe ee Barcelona Gerard Pique ayaa kooxda ku weeraray sida ay u la dhaqmeen Lionel Messi, maalmo ka hor kulanka El Clasico ee Sabtida.

Ka dib markii uu dalbaday in laga fasaxo qandaraaskiisa islamarkaana uu seegay tababarka xagaagan, xiddiga reer Argentina ayaa soo gabagabeeyay shakigii laga qabay mustaqbalkiisa Camp Nou.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku weeraray madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu inkastoo uu markii danbe ogolaaday inuu xilli ciyaareed kale baaqi ku sii ahaado kooxda.

Wareysi uu siiyay wargeyska La Vanguardia ayuu Pique su’aal ka keenay sida loola dhaqmay Messi, isagoo soo jeediyay xitaa in garoonka kooxda loogu magacdarro xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

“Haddii aan ahay madaxweynaha si ka duwan sida ay u dhaqmeen ayaan sameyn lahaa. Waxaan weydiistay Leo inuu sii joogo kooxda” ayuu yiri.

“Xiriir badan lama sameynin maalmahaas sababtoo ah waxaan ku fekerayay inay aheyd go’aan isaga u gaar ah. Waxaan kaliya ku iri: “Leo, kaliya waa sannad ka dib dad cusub ayaa kooxda imaan doona.”

“Waxaan nafteyda weydiiyay: “Sidee ayay ku dhici karaa in ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda oo aan nasiib u helnay inaan ku riyaaqno, inuu subax soo kaco islamarkaana codsado in la fasaxo sababtuna ay tahay inuu dareemay in la dhageysan waayay?” Wax walba amakaak ayay aheyd. Sidee wax u jiraan?

“Leo wuxuu u qalmaa wax walba. Garoonak cusub iyo xayaysiinta garoonka waa in magaciisa laga dhigo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More