Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Birta Goolka Oo Guuldarro Ka Badbaadisay Arsenal, Pepe Oo

Arsenal ayaa ka badbaaday guuldarro xilli casaan laga siiyay bilowgii qeybta labaad Nicolas Pepe iyagoo barbaro goolal la’aan ah ku qabtay kooxda Leeds United oo marti loo ahaa, iyadoo tababare Mikel Arteta uu ku fashilmay inuu hore u dhaqaajiyo Arsenal.Gunners ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed laga niyadjabo iyagoo dhaliyay kaliya hal gool shantii kulan ee ugu danbeysay Premier League. Halka Leeds ay nasiibdarro ku aheyd inaysan badinin kulankaan ka dib seddex jeer oo ay birta garaaceen.Nicolas Pepe ayaa qaatay…

Man United Oo Xagaagii Heshiis 150 Milyan Ah La Gaartay

Manchester United ayaa lagu waramayaa inay ogolaatay inay 150 milyan euro oo u dhiganta 133 milyan ginnu kula soo wareegto Ansu Fati xagaagii la soo dhaafay iyagoo heshiiska la gaaray wakiilkiisa Jorge Mendes laakiin Barcelona ayaa diiday inay qalinka ku duugto heshiiska.United ayaa dooneysay inay la saxiixato 18 jirkaan kaasoo ka mid ah xiddigaha da’ yar ee ugu fiican dunida.Sida ay sheegtay jariirada Sport tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay inuu keensado xiddiga garabka ka ciyaara ka dib markii uu ku guuldareystay…

“Waa Markaagii Saaxiibkeey” – Arsene Wenger Oo Qirtay Inuu

Arsene Wenger ayaa dabeecadiisa qarsooneyd banaanka soo dhigay isagoo ku kaftamay inuu ku raaxeysto daawashada tababarayaasha dhibaateysan ee Premier League.Halyeeyga Arsenal ayaa qodoba badan ka hadlay wareysi uu siiyay idaacada BBC Radio 4 saaka oo Axad aheyd.Wenger oo 71 sanno jir ah ayaa kooxda Arsenal joogay muddo 22 sannadood ah isagoo guul iyo guuldaraba la soo qeybsaday ka hor inta uusan isaga tagin sannadkii 2018.Wenger oo haatan aan shaqo tababare heynin ayaa sheegay inuu ku raaxeysto rafaadka ay ku jiraan…

Farsamada Rigoore Tuurista Bruno Fernandes Iyo Jorginho Oo

Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ku baaqay in la mamnuuce farsamada rigoore tuurista Bruno Fernandes.Xiddiga Manchester United ayaa mar walba hakada isagoo booda ka hor inta uusan tuurin kubada marka uu rigoorada laadayo.Laakiin markii goolhayaha West Brom Sam Johnstone lagu ciqaabay inuu xariiqdiisa ka soo baxay kulankii ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Man United, Ian Wright ayaa sheegay inuu sharciga rigoore tuurista cadaalad aheyn.Wuxuu ka sheegay barnaamijka BBC ee Match of the Day: “Sharciga wuu ku adag yahay…

Fal Fulaynimo Ah Oo Ay Ku Kaceen Lionel Messi & Xiddigaha

Lionel Messi iyo Barcelona ayaa cambaareyn kala kulmay taageerayaashooda ka dib markii ay 17 jirka Pedri u direen inuu la hadlo warbaahinta ka dib guuldaradii Atletico Madrid.Barcelona ayaa laga badiyay kulankii seddexaad ee La Liga ee xilli ciyaareedkan iyadoo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid.Yannick Carrasco ayaa dhaliyay goolka kaliya qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Messi iyo asxaabtiisa ay ku hor kufeen Atletico.Kooxda Catalans waxay sagaal dhibcood ka danbeeyaan kooxda Atletico Madrid oo ku jirta…

Ferdinand Iyo Paul Scholes Oo Isku Raacay Xiddiga Ay Tahay

Halyeeyadii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand Iyo Paul Scholes ayaa isku raacay laacib ay tahay in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu kaydka u diro kaddib bandhig liita oo uu la yimid kulankii xalay ay 1-0 rikoodhe ahaa kaga adkaadeen West Brom.Red Devils ayaa guushii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ku heshay garoonkeeda Old Trafford, waxaanay ahayd mid ay ku dhibaatoodeen oo VAR ka joojiyey rikoodhe laga dhalin lahaa, iyagana uu VAR siiyey rikoodhe gool noqday kaas oo toogashii hore…

Karim Benzema, Ramos, Valverde Iyo Xiddigaha Laf-dhabarta Ah

Real Madrid ayaa rajaynaysay inuu Karim Benzema kusoo laaban doono tababarkii Axadda maanta ee ay iskugu diyaarinayeen ciyaarta muhiimka u ah ee Inter Milan ay martida ugu noqon doonaan Arbacada soo aaddan, laakiin weeraryahanka reer France ayaan wali kasoo xaadirin tababarka.Benzema oo dhaawac ku seegay kulankii barbarraha ay Real Madrid la gashay Villarreal Sabtidii shalay, ayaan wali taam ka noqonin jugo ka gaadhay muruqa, waxaanu mar kale dibedda ka joogay tababarka ciyaartoyda kooxdu iskugu diyaarinayeen kulanka Inter…

Iska Illow Ronaldo & Dybala – Waakan Xiddiga Uu Pirlo Ku

Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa amaan kula dul-dhigay xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Adrian Rabiot oo uu ku sifeeyey ‘ciyaartoy dhamaystiran’ kaas oo ay ‘yar tahay in noociisa oo kale laga helo dunida.’Rabiot ayaa kusoo bilowday t;oddobadii ciyaarood ee horyaalka Serie A ee ay ciyaartay Juve, iyadoo xalayna ay guul weyn oo 2-0 ah ka gaadheen Cagliary oo marti ugu ahayd Allianz Stadium.Natiijada ciyaartani waxay Old Lady kusoo gashay kaalinta labaad ee kala-sarraynta horyaalka iyadoo yeelatay 16…

Miyay Liverpool Saxeexyo Cusub Samaynaysaa Bisha January?

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay arrimaha kooxdiisa ee suuqa kala iibsiga ee bisha January iyo haddiiba ay saxeexyo cusub ka samaynayaan xilli ay jamaahiirtu aad uga war sugayeen.Labada daafac dhexe ee dookha koowaad u ahaa Liverpool ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ayaa labadaba dhaawacyo mudo dheer ah loo diray iyadoo ay macquul tahay inay maqnaadaan inta ka hadhsan xilli ciyaareedkan oo dhan.Sidoo kale daafaca midig ee kooxdaas ee Trent Alexander Arnold ayaa dhaawac mudo ah qaba iyadoo Andrew…

Arsenal Oo Ozil-ka Ay Godka Dheer Ku Riday Ku Bedelaysa Ozil

Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay doonayso inay u dhaqaaqdo saxeexa khadka dhexe ee kooxda Lille ee Yusuf Yuzici oo lagu naanayso Mesut Ozil-ka cusub xilli aysan kooxda ree England meel ku ogayn Mesut Ozil-kii dhabta ahaa oo ay qorshaheedaba ka saartay.Yusuf Yazici ayaa lala bar-bardhigaa Ozil sababtoo ah awoodiisa weerar ee khadka dhexe, haddiiba uu Lille kaga biiro Arsenal ayuu noqon doonaa xiddigii saddexaad ee Lille uga wareega dhinaca kooxdaas mudo kooban dhexdeed kaddib Nicolas Pepe iyo Gabriel Magalhaes.Yazici oo…