Kulanka Garsooreyaasha Premier League Oo Dib Loogu Eegi

Go’aankii muranka dhaliyey ee aan kaadhka cas lagu siinin goolhaye Jordan Pickford kulankii sabtidii ee Merseyside derby ayaa lagu soo qaadi doonaa shirka guud ee garsooreyaasha Premier League ee soo socda.

- Advertisement -

Goolhayaha Everton ayaa ka badbaaday in lagu ciqaabo taako adag oo uu ku qabtay difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo uu u geystay dhaawac uu ku maqnaanayo inta ka hadhay xili ciyaareedkan.

Liverpool ayaa si weyn uga cabatay in garsooraha dhexe ee kulankaas ee  Michael Oliver uu kaadh cas siin waayey Pickford, isla markaana aanu sooba hadal-qaadin,  halka garsooraha VAR ee David Coote oo ay ahayd inuu arko qaladkan aanu dhinaciisaba u kicin, taas oo ay usii raacday in gool sax ahaa oo ay dhalisay Liverpool uu ku go’aamiyey VAR in uu offside ahaa.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, ficilladan ka dhacay garoonka Goodison Park ee Liverpool ay dhaawacu kasoo gaadhay ayaa waxa lagu eegi doonaa Shirka garsooreyaasha )Professional Game Match Officials Limited) ee soo socda.

Wargeysku waxa uu sheegay in shirkan oo lagu qaban doono Video Conference lagu soo qaadi doono dhacdooyinkii ugu dambeeyey oo ay ugu weyn tahay midda Goodison Park, taas oo waliba lagu dul istaagi doono sababtii uu Coote u fiirin waayey qaladka lagula kacay Van Dijk oo aan kasoo muuqanin VAR.

Kulankan oo dhici doona bilowga sannadka cusub, ayaan waxba ka beddeli doonin natiijadii iyo go’aamadii laga qaatay ciyaartaas.

Coote ayaa laga joojiyey in kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan uu ka mid noqdo garsooreyaasha VAR, waxaana taas beddelkeeda uu noqon doonaa garsooraha afraad ee kulanka West Ham iyo Manchester City ee Sabtida, halka toddobaadka dambena loo diri doono kulamada heerka labaad ee Championshipka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More