Cristiano Ronaldo Oo Fursad Weyn U Heysta Inuu Ka Horyimaado
Cristiano Ronaldo ayaa weli fursad weyn u heysta inuu ka horyimaado Barcelona kulanka Champions League ee isbuuca danbe inkastoo baaris labaad oo lagu sameeyay laga helay Korona Fayras.
Xiddiga Juventus ayaa Korona Fayras laga helay 13kii October isagoo ku maqan xulkiisa dalka Portugal.
Baaris lagu celiyay ayaa muujineysa in Ronaldo uu weli qabo cudurka inkastoo aysan ka muuqan wax calaamado ah.
Juventus ayaa dukumiintiyada caafimaadka Ronaldo waxay u dirtay UEFA isbuuc ka hor kulankooda wareega group-yada ee Barcelona iyagoo ku wargeliyay xaaladiisa caafimaad.
Wuxuu mari doonaa baaritaan seddexaad 24 saacadood ka hor kulanka Barcelona markaasoo haddii laga waayo cudurka uu fasax u heysan doono inuu ka horyimaado Lionel Messi.
Wasiirka isboortiga Talyaaniga ayaa ku eedeyay Ronaldo inuu jabiyay sharciga markii uu ku soo laabanayay Talyaaniga isagoo qaba Korona Fayras, laakiin madaxweynaha Juventus Andrea Agnelli ayaa gaashaan u daruuray.
Kooxda Andrea Pirlo ayaa dareentay maqnaanshaha Ronaldo iyagoo barbaro la soo galay kooxda Crotone Sabtidii laakiin waxay garaaceen Dynamo Kyiv.
Axada, waxay martigelinayaan kooxda Hellas Verona ka hor inta aysan Turin ku soo dhaweynin Barcelona seddex maalmood ka dib.
Ronaldo ayay hubaal tahay inuu seegi doono kulanka Hellas Verona laakiin fursad weyn ayuu heystaa inuu ciyaari karo kulanka Barcelona.
Ronaldo ayaa jimicsi badan ku sameynaya gurigiisa inta uu karantiilka ku jiro si uu u hubiyo inuu taam buuxda yahay marka loo ogolaado inuu garoon la galo Lionel Messi..