Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddigii Garoonka, LABADII Ugu Liitay Iyo SAGAALKII Aan

Tottenham ayaa hoggaanka horyaalka Premier League la wareegtay, waxaanay kaliya ku lumin kartaa Leicester City oo maalinta Axadda kasoo adkaata Liverpool, haddii kalena Jose Mourinho iyo kooxdiisu waxay kusii negaan doonaan miiska talada.Spurs ayaa 2-0 ku garaacday Manchester City oo ay garoonkeeda Tottenham Hotspur Stadium ku qaabishay, waxaanay guushan heleen iyagoo kaliya 33 boqolkiiba gacanta ku haya maamulka ciyaarta, sidoo kalena 23 jeer oo kaliya goolka City toogatay.Tottenham ayay ku qaadatay shan daqiiqadood oo…

Waa Maxay Sababta Paul Pogba Looga Saaray Liiska Ciyaaryahanadda

Paul Pogba ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka West Brom, taas oo timid xilli ay soo baxayso xurguf u dhaxaysa laacibkan iyo kooxdiisa oo uu toddobaadkii horena warbaahinta cabasho mariyey.Manchester United ayaa faahfaahin ka bixisay sababta kubbad-sameeyaha reer France aanu Ole Gunnar Solskjaer ugu soo darin liiska icyaartoyda kooxdiisa, xilli uu bandhig fiican kasoo sameeyey kulamadii caalamiga ahaa ee waddankiisa uu usoo ciyaaray.Ole Gunnar Solskjaer oo la hadlay telefishanka kooxdiisa ee…

Tottenham & Mourinho Oo Dhulka Jiid-jiiday Man City &

Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham ayaa guul dahabi ah ka gaadhay Manchester City oo ay kusii kordhiyeen dhibaatadii ay hore ugu dhex jirtay, waxaanay ku garaaceen 2-0.Tottenham ayaa si ku-meelgaadh ah la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay kala wareegtay Chelsea oo saacado kooban ka talinaysay figta ugu sarraysa.Gool uu waqti hore u dhaliyey Son Heung-min iyo mid uu qaybtii labaad ugu daray Lo Celso ayaa Tottenham siiyey guusha ay ka gaadhay Manchester City.Spurs ayaa hoggaanka horyaalka ku qabatay 20…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Atletico Madrid vs Barcelona –

Barcelona oo xili ciyaareed dhibaato badan ku dhex jirta ayaa ku sugan garoonka Wanda Metropolitano oo ay marti ugu tahay Atletico Madrid, waxaanu tababare Ronald Koeman keenay shax adag oo uu hoggaaminayo Lionel Messi oo ah ciyaartoyga goolasha ugu badan kasoo dhaliyey kooxdan.Antoine Griezmann ayaa afka hore ee weerarka kalidii ku ah, waxaase badi-taaraya Pedri, Messi iyo Ousmane Dembele oo dhamaantood safka hore kula soo bilowday, taas oo ka dhigan in aanay Barcelona waxba iskula hadhin oo ay weerar ku ciyaarayso.Khadka…

Toddobadii Ciyaartoy Ee Chelsea Ee Isku Qabsaday Xiddiga

Chelsea ayaa soo afjartay inkaartii ka haysatay kulamada ay tagto St. James’ Park ee ay Newcastle inta ugu badan guusha heli jirtay, waxaana Blues u suurtogashay inay saacado kooban ku negaato horyaalka Premier League iyadoo guul 2-0 ah kasoo gaadhay Magpies.Frank Lampard ayay kooxdiisu sii wadataa guul-darro la’aanta oo ay kulankii toddobaad oo xidhiidh ah guulo ama barbarro ka heshay, waxaanay markan meel iska saareen Newcastle oo ay ku dhibaatoon jireen ciyaaraheeda.Gool uu waqti hore iska dhaliyey Federico Fernandez ayaa…

Real Madrid Oo Bar-Bardhac Dirqi Ah Lasoo Gashay Villarreal,

Kooxda Real Madrid ayaa bar-bardhac lasoo gashay dhigeeda Villarreal oo soo muujisay qaab ciyaareed weyn isla markaana ciyaar ahaan ka wanaagsanayd in badan kooxda horyaalka difaacanaysa oo kulankan dhaawacyo badan qabtay.Kulankan oo kusoo dhammaaday 1-1 ayuu bilawgii ciyaarta goolka Los Blancos saxeexay Mariano Diaz balse waxa xilli dambe gool rigoore ah ku kansalay Gerard Moreno.Shaxdii Kulankan Ee Labada KooxoodReal MadridVillarrealFaah-Faahinta KulankaGOOAL: Goolka furitaanka ee kulankan ayaan noqon mid daahay, Dani…

Chelsea Oo Guul Dahabi Ah Kasoo Gaartey Newcastle United,

Kooxda Chelsea ayaa guul kasoo gaadhay dhigeeda Newcastle United kulan xiiso badan oo 2-0 kusoo dhammaaday oo ay hoggaanka horyaalka kula sii wareegeen xiddigaha tababare Frank Lampard.Chelsea ayaa goolasha ay kulankan saddexda dhibcood ka heshay gool uu si qaldan iskaga dhaliyay Fernandez iyo mid uu saxeexay Abraham.Shaxdii Kulankan Ee Labada KooxoodCHELSEA XI: Mendy, James, Rudiger, Zouma, Chilwell, Kante, Kovacic, Mount, Ziyech, Abraham, Werner.Kaydka: Kepa, Christensen, Azpilicueta, Emerson, Jorginho, Hudson-Odoi,…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Villarreal vs Real Madrid –

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa martiyaysa dhigeeda Villarreal kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka La Liga toddobaadkiisa tobnaad xilli durtaba kulamadu qaab cajiib ah ku bilaabmeen.Villarreal ayaa xilli ciyaareedkan wacdarro dhigayso iyadoo booska labaad joogta isla markaana 2 dhibcood ka hooseysa hoggaamiyayaasha Real Sociedad halka Real Madrid oo booska afraad ku jirtaa ay afar dhibcood u jirto hoggaanka.Shaxda Kulankan Ee Labada KooxoodVillarreal:Real Madrid: