Halyey Reer Brazil Ee Pele Oo 80 Jirsaday Iyo Magacyada
Halyeyga reer Brazil ee Pele ayaa maanta ay da’diisu ku buuxsantay 80 jir, waxaana dib loo milicsanayaa waayihiisii garoomada iyo waqtigii ka dambeeyey ee khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisu shaqaynayeen.
- Advertisement -
Pele ayaa xaaladdiisa caafimaad sannadihii ugu dambeeyey liidatay, waxaana dhawr jeer uu galay cusbitaalka oo lagaga daaweeyey xanuunno wadnaha ah iyo kuwo jidhkiisaba ah, iyadoo laga beddelay lafaha miskaha oo uu ka dhaqaaqi kari waayey.
Markii uu bilaabmay xanuunka Korona Fayraska ayaa taxadar-dheeraad ah loo sameeyey Pele iyadoo laga joojiyey dadka u imanaya iyo booqashooyinkiisa si aanay ugu keenin Fayraska, laakiin illaa hadda waxa uu yahay badqab marka laga reebo da’diisa weynaatay iyo xanuunnadii hore uu uga cabanayay.
Sannadkii 2004, xilli loo dabbaal-degayay 100-sano guuradii aasaaska FIFA, ayaa Pele la weydiiyey inuu soo xusho 125kii ciyaartoy ee ugu fiicnaa ee kubadda cagta, waxaana uu soo xushay xiddigo waaweyn iyo kuwo xilligaas ay layaab ahayd go’aanka uu ku doortay.
Pele ayaa ku darsaday liiska ciyaartoydan weeraryahankii reer Senegal ee El Hadji Diouf oo waqtigaas joogay Liverpool, Jay-Jay Okocha, Hidetoshi Nakata, Hong Myung-bo iyo laacibiin kale oo Afrika, Asia, Yurub illaa South America ka kala socda, kuwaas oo uu waddan-waddan usoo liis gareeyey.
Halkan kaga bogo 125ka ciyaartoy ee Lionel Messi uu soo xushay:
Argentina:Alfredo Di Stefano, Daniel Passarella, Diego Maradona, Gabriel Batistuta, Hernan Crespo, Javier Saviola, Javier Zanetti, Juan Sebastian Veron, Mario Kempes, Omar Sivori
Belgium:Franky van der Elst, Jean-Marie Pfaff, Jan Cuelemans
Brazil:Cafu, Carlos Alberto, Djalma Santos, Falcao, Nilton Santos, Junior, Pele, Rivaldo, Rivelino, Roberto Carlos, Romario, Ronaldinho, Ronaldo, Socrates, Zico
Bulgaria:Hristo Stoichkov
Chile:Pablo Figueroa, Ivan Zamorano
Colombia:Carlos Valderrama
Czech Repbublic:Josef Masopust, Pavel Nedved
Denmark:Brian Laudrup, Michael Laudrup, Peter Schmeichel
England:Alan Shearer, Bobby Charlton, David Beckham, Gary Lineker, Gordon Banks, Kevin Keegan, Michael Owen
France:David Trezeguet, Didier Deschamps, Eric Cantona, Jean-Pierre Papin, Just Fontaine, Lilian Thuram, Marcel Desailly, Marius Tresor, Michel Platini, Patrick Vieira, Raymond Kopa, Robert Pires, Thierry Henry, Zinedine Zidane
Germany:Franz Beckenbauer, Gerd Mueller, Jurgen Klinsmann, Karl-Heinz Rummenigge, Lothar Matthaeus, Michael Ballack, Oliver Kahn, Paul Breitner, Sepp Maier, Uwe Seeler
Holland:Clarence Seedorf, Dennis Bergkamp, Edgar Davids, Frank Rijkaard, Johan Neeskens, Johan Cruyff, Marco van Basten, Patrick Kluivert, Rene van de Kerkhof, Rob Rensenbrink, Ruud Gullit, Ruud van Nistelrooy, Willie van de Kerkhof
Repubic of Ireland:Roy Keane
Italy:Alessandro Del Piero, Alessandro Nesta, Christian Vieri, Dino Zoff, Francesco Totti, Franco Baresi, Giampiero Boniperti, Giacinto Fachetti, Gianluca Buffon, Gianni Rivera, Giuseppe Bergomi, Paolo Rossi, Paolo Maldini, Roberto Baggio
Northern Ireland:George Best
Portugal:Eusebio, Luis Figo, Rui Costa
South Korea:Hong Myung-Bo
Spain:Emilio Butragueno, Luis Enrique, Raul
Turkey:Emre Belozoglu, Rustu Recber
Ukraine:Andriy Shevchenko
United States:Michelle Akers, Mia Hamm