Ole Gunnar Solskjaer Oo Shaaciyey In SADDEX Ciyaartoy Kasoo
Harry Maguire, Edinson Cavani iyo Mason Greenwood ayaa dhamaantood la filayaa inay kasoo muuqdaan garoonka Old Trafford marka ay Sabtida berri Manchester United soo dhoweyso Chelsea.
Saddexdan ciyaartoy ayaa seegay kulankii Champions League ee Salaasadii ay Manchester United guusha kaga soo gaadhay PSG oo ay ugu tagtay Paris, waxaana uu mid walba oo xiddigahan ahi ku jiray xaalad u gaar ah.
Maguire ayaa ciyaartan ku seegay dhaawac, Greenwood oo isaguna aan ku jirin liiska ciyaartoyda United ee kulankii Newcastle ay guusha 4-1 ka gaadheen ayaa lagu sababeeyey inuu jug qabo, halka Edinson Cavani oo maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii yimid Old Trafford uu tababarka la bilaabay United Axaddii, sidaas darteedna looga reebay safarkii France si uu jidhkiisa u diyaariyo.
Laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan saddexda ciyaartoyba ay diyaar u noqonayaan kulanka berri, waxaanu yidhi: “Waxaan rajaynayaa oo aan filayaa in saddexdooduba ay diyaar u noqon doonaan in loo xusho kulankan.
“Dabcan tababar ayaanu qaadanay saaka subaxii, waxaanu ahaa midkii ugu dambeeyey ee aanu isku diyaarinaynay dhamaantoodna way joogeen oo fursad ayay u haystaan inay ciyaaraan.
“Edinson wuxuu u baahan yahay inuu saxo dhamaan goobooyinka loo calaamadiyey barnaamijkiisa diyaar-garowga iyo inuu yeesho saamay. Maanta ayaan kulan la yeelan doonaa, sidoo kalena Mason iyo Harry.”
Anthony Martial ayaa Manchester United ganaax kaga maqan kaddib kaadhkii casaa ee uu qaatay kulankii Tottenham, waxaana uu Cavani filayaa inuu kusoo bilaaban doono ciyaartan.
Haddii ay sidaasi dhacdo, Thiago Silva oo ay hore saaxiibbo u wada ciyaara PSG ahaayeen ayay si toos ah iskaga hor iman doonaan, waxaana farriin uu usii diray laacibka reer Brazil uu kusii bixiyey ishaaro muujinaysa inuu ciyaartan dheeli doono, isaga oo yidhi: “Wax fiican ayay noqon doontaa inaan awoodo inaan Thiago ku helo garoonka. Thiago waa ciyaartoy xirfadle ah sababtoo ah si adag ayuu ugu shaqeeyaa tababarka iyo iskululaynta ciyaarta ka hor. Sidaa darteed, ma fududaan doonto!
“Way adkaan doontaa sababtoo ah waa ciyaartoy wanaagsan oo difaaca dhexe ah iyo laacib heersare ah, waxay se noo noqon doontaa khibrad wanaagsan.”