Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Gary Neville Oo Sheegay Labada Kooxood Ee Keliya Ee

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa sheegay in labada kooxood ee ree London ee Chelsea iyo Tottenham ay yihiin kuwa Liverpool kula tartami doona horyaalka sanadkan halka uu dhaawaca Virgil Van Dijk ku sifeeyay mid isbedel weyn keenaya.Kooxda tababare Jose Mourinho ee Tottenham ayaa guul 2-0 ah ka gaadhay dhigeeda Manchester City halka ay Chelsea 2-0 kaga soo adkaatay Newcastle United oo ay booqatay.Dhinaca kale Liverpool oo dhaawacyo badan qabta xilli ciyaareedkan ayaa xalay markale awoodeeda banaanka…

Man United, Liverpool, City & Bayern Oo Ku Dagaallamaya

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Biiray Liiska Cuqaasha Horyaalka

Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu daray diiwaanka taariikhiga ah ee cuqaasha horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, waxaanu noqday ciyaartoygii afraad ee abid lixdii ciyaarood ee ugu horreeyey goolal ka dhaliya.Halyeyga reer Sweden ayaa sidoo kale taariikh kale xalay loo diiwaangeliyey iyadoo uu la barbarreeyey rikoodh la dhigay 78 sannadood ka hor.Ibrahimovic oo laba gool u dhaliyey AC Milan kulankii ay xalay 3-1 ku garaaceen Napoli, isla markaana kooxdiisa ka caawiyey inay laba dhibcood hopggaanka ku hayso ayaa waxa uu sii…

Dhaawacyada Naby Keita Iyo Shaqiri, Mohamed Salah Oo

Liverpool ayaa war farxad leh ka heshay xaaladda xiddigeeda xanuunka Korona Fayraska u jiifay ee Mohamed Salah oo seegay kulankii ay xalay 3-0 ku garaaceen Leicester City.Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in baadhitaankii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey Mohamed Salah uu muujiyey inuu badqab ka yahay xanuunka Korona Fayraska ee uu kasoo qaaday waddankiisa Masar, isla markaana uu tababarka kooxda la bilaabi doono Isniinta maanta.Xiddiga reer Masar ayaa taam u ah inuu ciyaaro kulanka Champions League ee kooxdiisu ay Arbacada…

Jamie Carragher Oo Saadaaliyey Tababaraha Mustaqbalka Ee

Halyeygii difaaca Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyey tababare khibrad iyo waayo aragnimo ba leh oo heersare ah oo mustaqbalka la wareegi doona Chelsea ama Arsenal.Jamie Carragher oo hadlayay intii ay socotay ciyaartii ay xalay Liverpool 3-0 ku garaacday Leicester City, ayaa waxa uu amaan kula dul dhacay macallinkii hore ee Reds iyo Celtic ee Brendan Rodgers, haddana wata Leicester City, waxaanu sheegay inay u muuqato inuu kusoo jeedo magaalada London.Tababarahan hore ee Celtic iyo Liverpool ayay kooxdiisa…

Musiibada Dhaawacyada Barcelona Oo Halkeeda Kasii Socota &

Ousmane Dembele  ayaa ku biiray liiska dhaawacyada Barcelona kaddib markii ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Atletico Madrid ee Sabtidii, taas oo ay kooxdiisa kasoo gaadhay guul-darro 1-0 ah.Kulanka ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano ayaa Barca ku noqday musiibo u horseeday dhaawacyo, waxaana shalay ay kooxdu xaqiijisay in labadeeda ciyaartoy ee Gerard Pique iyo Sergi Roberto ay dhaawacan yihiin, isla markaana uu difaaca reer Spain uu xili ciyaareedka oo dhan maqnaan doono, halka uu Roberto muddo laba bilood ah…

Ma Dhihi Karo Liverpool Waa Koox Weyn Ilaa Iyo Ay Ku

Patrice Evra ayaa sheegay in kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool inaan lagu tilmaami karin koox weyn ilaa iyo ay seddex jeer oo isku xigta ku guuleystaan horyaalka Premier League.Reds ayaa si raaxo leh u garaacday Leicester City iyagoo ku badiyay 3-0 islamarkaana ku dhibco noqday kooxda hogaamineysa horyaalka ee Tottenham.Guushaan waxay sii dheereysay rikoodhka guuldarro la’aanta Liverpool ee gurigooda iyadoo aan laga badinin 64 kulan oo ay ku ciyaareen Anfield horyaalka Premier League iyagoo jabiyay rikoodhkoodii hore ee ay…

Liverpool Oo Cashar U Dhigtay Leicester City, Diogo Jota Oo

Liverpool ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah qaab ciyaareedyadeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan iyagoo 3-0 ku xaaqay kooxda Leicester City xilli todoba xiddig oo waa weyn ay dhaawacyo iyo Korona Fayras kaga maqan yihiin.Reds ayaa guusha uga mahadcelineysa gool uu iska dhaliyay daaficii hore ee Man United Jonny Evans iyo kubad madax aheyd oo uu dhaliyay xiddiga la celin la’ yahay Diogo Jota halka Roberto Firmini oo gool seddexaad ku soo qatimay  iyadoo Liverpool ay birta garaacday seddex jeer.Natiijadaan ayaa ka dhigan in…

Mikel Arteta Oo Kashifay Hadaladii Xanaaqa Ahaa Ee Uu Ku

Mikel Arteta ayaa ku tilmaamay casaankii uu Nicolas Pepe qaatay mid aan la aqbali karin isagoo ku eedeeyay xiddiga garabka ka ciyaara inuu howl culus dusha ka saaray xiddigaha kale ee kooxda kulankii Elland Road.Gunners ayaa ciyaarta laga heystay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana howsha ku sii cusleeyay Pepe oo casaan toos ah qaatay markii uu herdiyay xiddiga Leeds United ah.Inkastoo uusan garsooraha dhexe arkin dhacdada hadana waxaa aragay VAR iyadoo markii uu garsooraha dhacdada ka hubiyay shaashada uu go’aansaday inuu…

Arsenal Oo Labo Xiddig Ku Qasaartay, Laacibkii Ku Guuleystay

Cidna uma cadeyn wixii ay Arsenal isku dayaysay inay sameyso, iyadoo haatan ay soo martay 450 daqiiqo oo aysan gool dhalinin horyaalka Premier League marka laga reebo rigoore ay dhaliyeen.Waxay u muuqdeen kuwa difaac galaya bilowgii ciyaartaba iyadoo Leeds ay meel walba oo garoonka ah taagenyd, Waxaa ka sii xun in Aubameyang uu u muuqdo hooskiisa, inuusan ku badbaadin karin Gunners goolashiisa.11 xiddig ama 10 xiddig Arsenal mar walba waxay aheyd mid liidata 90ka daqiiqo laakiin haddii aysan birta ahaan laheyd Gunners waxaa…