Khabiirka Paul Merson Oo Digniintii Ugu Dambaysay Siiyey

Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson ayaa rumaysan in ‘calaamad su’aal halis ahi’ fuuli doonto mustaqbalka tababare Frank Lamaprd haddii Chelsea ay guul-darro kasoo hoyso kulanka ay Sabtida berri isku haleeli doonaan Manchester United.

Blues oo laba ciyaarood oo kaliya soo badisay shantii kulan ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ayaa waxay safar ku tegaysaa Old Trafford oo ay ku sugayso Manchester United.

Kooxda kharashka badan suuqa gelisay xagaagii ee ciyaartoyda  badan soo iibsatay ee Chelsea ayaa guul-darradii ugu horreysay waxay kasoo gaadhay Liverpool bishii September, waxaana ugu xigtay barbarro ay wada galeen kooxda kasoo dallacday heerka labaad ee West Brom. Labadan ciyaarood ayay kaga jawaabtay guul weybn oo 4-0 ah oo ay ka gaadheen Crystal Palace, laakiin difaaca kooxda ayaa kala daatay kulankii Southampton ee Sabtidii hore oo 3-3 ay ku dhamaysteen Southampton oo iyagoo 2-0 ku hoggaaminaya laga daba yimid, illaa ay dhamaadkiina dhibcaha qaybsadeen.

Manchester United oo dhinaceeda aanay natiijooyinkeedu joogto ahayn ayaa qaabilaysa Chelsea xilli ay kasii muuqato farxadda guushii Champions League ee ay kasoo gaadheen PSG.

Halyeygii Arsenal ee Paul Merson oo ka mid ah khubarada ciyaaraha ee waqtigan oo ka hadlay ciyaarta Chelsea iyo Manchester United ee Old Trafford ayaa shaaciyey inuu rumaysan yahay in Lampard uu culays badan kusii kordhi doono oo mustaqbalkiisuna mugdi geli doono haddii ay kasoo guuleysan waayaan Man United.

Paul Merson oo warbaahina la hadlayay ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in ciyaartani ku weyn tahay Frank hadda marka ay iska hor yimaaddaan Manchester United. Maalmo yar ka hor.

“Maalmo yar ka hor, waxaad ka fikirayseen in toddobaadkani ku weynaan doono Ole Gunnar Solskjaer. Waxaad la yaabanaydeen haddii uu badbaadi doono, laakiin saddex gool oo waqti dambe ah kulankii Newcastle iyo bandhig wanaagsan oo ciyaartii PSG ah, wax walba way isbeddelleen.

“Hadda, culayska oo dhan wuxuu si degdeg ah u koray Lampard. Kooxdiisu barbarro 3-3 ayay la gashay Southampton, kaddibna waxay gool ka dhalin kari waayeen Sevilla.

“Chelsea waxay mar horeba guul-darraysatay kulmo waaweyn xili ciyaareedkan. Haddii uu guul-darraysto (Lampard) ciyaartan, waxa  jiri doona su’aalo khatar ah oo la isweydiin doono.

“Ilama aha inuu heli doono waqti badan xili ciyaareedkan, sababtoo ah lacagta badan ee  uu kharash gareeyey, waxaanu u baahan yahay inuu ku bilowdo guul.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More