Shanta Meelood Ee Dagaalka Ugu Adag Ku Dhex Mari Doono

Barcelona iyo Real Madrid ayaa wada ciyaaraya kulankooda ugu muhiimsan xilli ciyaareedka illaa iyo hadda, waxaanay albaabada iskugu xidhanayaan garoonka Camp Nou oo aanay wax taageereyaal ahi joogin.

El Clasico oo ah kulanka ugu xamaasadda badan dunida, waxa uu sannad walba noqdaa midka loogu hadal haynta badan yahay, waxaana sannad walba lasii hadal hayaa laba usbuuc oo midna ka horreeyo midna ka dambeeyo ciyaartooda Barcelona iyo Real Madrid.

Sabtida ayay mar kale labadan kooxood foodda is-darayaan, waana ciyaartooda koowaad ee labada lugood ee xili ciyaareedkan, taas oo sidoo kale ah kulankii labaad ee ay garoon madhan ku wada ciyaaraan taariikhdooda, waxaana ka horreeyey dhamaadkii xili ciyaareedkii hore oo ay garoon madhan isku haleeleen.

Barcelona ayaa ku kalsoon inay noqon doonto kooxda libinta ciyaartan hesha maadaama ay niyadu ugu dhisantay guushii weynayd ee ay ka gaadheen Ferencvaros oo garoonkan ay ku garaaceen kulankii Champions League, taas oo ay kaga soo doogeen guul-darradii ay Sabtidii hore kala kulmeen Getafe oo ay u tageen.

Real Madrid ayaa dhinaceeda dagaal u geli doonta inay badbaadsato sharafteeda oo ay ka badbaado in saddex ciyaarood oo xidhiidh ah laga badiyo, waxaana hore usoo garaacay Cadiz iyo Shakhtar Donetsk oo labaduba garoonkeeda ugu yimid Real Madrid.

Zinedine Zidane oo culays badan saaran yahay ayaa doonaya inuu guul ku illowsiiyo jamaahiirta kooxdiisa wixii ku dhacay kooxdiisa toddobaadkan dhamaaday, taas oo dhab ahaan aanay xasuusan doonin haddii ay Los Blancos guul weyn ka keento kulanka Barcelona oo ah midka ay ugu jecel yihiin inay guul ka helaan.

Dagaalka u dhexeeya labadan kooxood ayaa ah midka ugu xasuusta weyn dunida, waxaana marka ay wada ciyaarayaan laga hadl hayaa meel kasta. Gudaha waddanka Spain ayaanay indhuhu meel kale u jeedsan maalinta ciyaartani jirto, waxaana xataa telefishannada hortooda lagu arkaa xataa dadka aan ciyaarahaba xiisaynin.

Naadiga ay guushu raacdo usbuucan, waxa uu heli doonaa kalsooni weyn oo uu hore ugu sii socdo xili ciyaareedka oo bilow maraya, halka kooxda laga badiyaana ay waqti ku qaadan doonto inay daaweysato dakharrada iyo niyad-jabka kasoo gaadha kulankan.

Ciyaartan waxa natiijadeeda laga go’aamin doonaa shan meelood oo ah kuwa uu dagaalka ugu adag ku dhex mari doono labada kooxood, goobahaas oo ay hubaal tahay in kooxda gacanta ku dhigta ee ku gacan sarraysa ay u badan tahay inay guusha ciyaarta hesho.

Shanta goobood oo taxan min difaac, weerar illaa dhex ayaa waxa ku lug yeelan doona toban ciyaartoy oo shan waliba koox tahay, kuwaas oo tababareyaasha labada naadina ay talo iyo tusaale la garab taagnaan doonaan.

 

5. Vinicius Junior vs Sergi Roberto

Iyadoo Real Madrid ay xilli ciyaareedkii hore si weyn ugu tiirsanayd Karim Benzema oo u ahaa mid ay ka sugaan guusha ee goolasha ugu badan u dhalinayay, Vinicius Junior ayaa hadda  u muuqda inuu isku qorayo taariikhda oo bilihii ugu dambeeyey qaatay doorka badbaadinta kooxda.

Da’yarkan reer Brazil ee garabka ka ciyaara ayaa intii uu xili ciyaareedku bilowday wuxuu ahaa mid wacdaro ka dhigayay garoomada oo goolashana la saaxiibay, waxaana ugu dambeeyey midkii uu ka  dhaliyey Shakhtar Donetsk Arbacadii oo isaga oo 14 ilbidhiqsi oo kaliya garoonka ku jiray uu shabaqa soo taabtay, kaas oo uu ku noqday xiddigii Champions League ka dhaliyey goolkii ugu degdegga badnaa abid isaga oo beddel kusoo galay.

Sergio Roberto ayaa dhinaca kale, udub-dhexaad u ahaa Barcelona xili ciyaareedkii hore, laakiin qaybtii dambe ayuu ku biiray ciyaartoydii niyad-jabay markii ay u muuqatay in Real Madrid ay horyaalka kaga guuleysanayso, isal markaana ay Bayern Munich sida xun  ugu burburisay tartanka Champions League.

Laakiin intii uu tababare Ronald Koeman shaqada la wareegay, waxa uu difaacan midig muujinayay inuu helay niyaddiisii hore iyo qaab ciyaareed wanaagsan, waxaana bandhigga uu la yimaaddo uu qayb ka noqon doonaa sida ay u ekaanayso kooxdiisu dhamaadka kulanka El Clasico.

Difaacan Barcelona waxay si toos ah iskaga hor iman doonaan Vinicius Junior oo ay garoonka dhexdiisa maryo dhiigle ku kala furan doonaan, iyadoo xili ciyaareedkii horena la xasuiusan yahay in da’yarka reer Brazil uu u awood sheegtay Nelsen Semedo oo booskaas joogay.

Kulamada El Clasico, waxa Sergi Roberto uu inta badan u muuqdaa mid wanaagsan oo ciyaartiisa ugu sarraysa soo bandhiga, sidaas oo kalena Vinicius Junior ayaa u baahan inuu sii wado qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee kulamadii ugu dambeeyey ee Barcelona uu ka hor tegay iyo gool-dhalintiisa hana-qaadka ah ee beryahan soo kacday.

4. Ansu Fati vs Ferland Mendy

Ansu Fati waa ciyaartoyga ugu wanaagsan Barcelona illaa hadda ee kooxdana kusoo celiyey noloshii lagu yaqaanay. Da’yarkan ayaa hore u jabiyey rikoodhka LaLiga iyo UEFA Champions League ee dhinaca goolasha, waxaana uu toddobaadkan ku darsan doonaa rikoodh kale oo uu ku noqon karo ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya El Clasico.

Halyey Real Madrid ah ayaa hadda haysta rikoodhka ciyaartoyga ugu da’da yar ee gool ka dhaliya El Clasico, waxaana uu jiray 18 sannadood iyo 3 bilood, laakiin Ansu Fati ayaa bisha dambe ay da’diisu noqon doontaa 18 jir, haddii uu gool ka dhaliyo ciyaartanna waxa uu noqon doonaa da’yarkii ugu yaraa ee gool ka dhaliya El Clasico, isla markaana shabaqa soo taabta iyadoo ay da’diisu wali ku jirto 17 jirka.

Ferland Mendy ayaa la filayaa in Zidane uu difaaca bidix kusoo bilaabo kaddib bandhiggii fadeexadda ahaa ee Marcelo, waxaanay si toos ah iskaga hor iman doonaan Ansu Fati oo hore usoo dhaliyey afar gool xili ciyaareedkan, ayna ka muuqato saansaan ciyaareed oo kulanba-kulanka kasii dambeeya uu kasii wanaagsanaanayo. Mendy ayaa isaguna noqday ciyaartoyga difaaca bidix ee Real Madrid ay iskugu hallaynta badan tahay marka la barbar-dhigo Marcelo.

3. Frenkie de Jong vs Toni Kroos

Si kasta oo Barcelona iyo Real Madrid ay u haysteen weeraryahannada ugu wanaagsan, haddana maxsuulka kulamadooda waxa laga go’aamiyaa khadka dhexe. Saamaynta Frenkie de Jong ee Barcelona ayaa soo koraysay intii uu Ronald Koeman xilka hayey, waxaana uu kubbad-sameeyahan reer Netherlands diyaar u yahay inuu qabsado khadka dhexe oo uu u babbac-dhigo, meelna iskaga tiiriyo xiddigaha Real Madrid ee ay iska hor imananayaan.

Toni Kroos ayaa ah laacibka ay sida tooska ah u dagaallami doonaan Frenkie de Jong, waxaana uu kubbad-sameeyaha reer Germany u adeegsan doonaa inuu meel iskaga tiiriyo laacibkan yar ee isaga kaga dayda ciyaarta, khibraddiisa iyo waayo-aragnimada uu ka dhaxlay sannadihii badnaa ee uu soo ciyaarayay iyo in waliba la nasiyey kulankii Shakhtar Donetsk oo uu waqti dambe soo galay.

Frenkie de Jong waxa uu Salaasadii kulankii Ferencvaros oo bandhigay mid ka mid ah ciyaarihiisii ugu wanaagsanaa, taas  oo ay jamaahiirtu ka doonayaan inuu mar kale ku celiyo marka uu Real Madrid ka hor yimaaddo, sidaas oo kalena Toni Kroos ayaa mishiinka dhaqaajiya naadigiisa ah marka uu qaabka wanaagsan ku jiro.

Dagaalka labadan ciyaartoy waxa uu qayb weyn ka noqon doonaa kulankan, iyadoo midkooda laga itaal roonaado ee la aamusiiyo ay kooxdiisu u jabi doonto.

 

2. Karim Benzema vs Gerard Pique

Gerard Pique wuxuu ku jiraa xaalad aan wanaagsanayn oo uu ku rafaadsanaa Camp Nou toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxaana kaadh cas loo taagay kulankii Ferencvaros ee ay libinta weyn kooxdiisu heshay, taas oo uu ku seegi doono ciyaarta Juventus. Difaacan ayaa kusii siqaya dhamaadka xirfaddiisa, waxaana gabaabsi ah orodkiisa, taas oo haddii haddii uu sare isku soo qaadi waayo dhibaato ku noqon doonta kulanka Real Madrid.

Karim Benzema oo ah laacibka ugu muhiimsan Real Madrid afka hore, laguna tiriyo ciyaartoyda ugu boos beddelka badan qaaradda Yurub ee weerakr aka ciyaara ayaa door muhiim ah kasoo qaatay guulihii ay kooxdiisu gaadhaysay sannadihii ugu dambeeyey, gaar ahaan kulankii xili ciyaareedkii hore ee El Clasico ay ku garaaceen Barcelona.

Benzema kuma soo bilaabanin ciyaartii Champions League ee Real Madrid ay guul-darradu kasoo gaadhay Arbacadii, waxaanu kusoo galay beddel bilowga qaybta labaad iyadoo uu ciyaartana saamayn badan ku yeeshay, waxaana ujeeddada loo fadhiisiyey ay ahayd inuu usii nasto kulanka Barcelona oo ay si toos ah iskaga hor iman doonaan Gerard Pique.

Labadan halyey ayaa dagaalkooda ciyaartu uu yahay mid weyn oo xaasaasi ah, saamayn badanna ku yeelan doona natiijada ciyaarta. Haddii Pique oo gacan-sarreeyo oo uu u diido Benzema uu inuu kubadda ula soo dhowaado goolkiisa, waxa hantaaqmi doonta Real Madrid oo dhan, laakiin haddii Benzema uu awood u yeesho inuu ka gacan sarreeyo Pique, waxa kooxdiisa u fududaan doonta inay gaadho goolka Barcelona oo ay shabaqana soo taabato.

1. Lionel Messi vs Raphael Varane

Lionel Messi iyo Raphael Varane marar badan ay isku soo dhaceen sannadihii ugu dambeeyey iyagoo kala xidhan labada shaadh ee ay ciyaartanna gashan yihiin. Lionel Messi ayaa inta ugu badan kusoo dhibaateeyey Varane, kagana gacan sarreeyey inta badan kulamada ay iska hor yimaaddeen.

Raphael Varane ayaa bilihii ugu dambeeyey kusoo jiray xaalad adag, waxaana uu ku dhibaatooday kulankii Shakhtar oo uu gool iska dhaliyey, hab-difaacistiisuna ahayd mid musiibo ah oo aan laga filayn. Waxa uga sii horreysay ciyaartii Man City ee Champions League ee xili ciyaareedkii hore oo uu labadii kulanba ahaa sidii qof ka yimid heerka labaad oo qaladaadkii uu sameeyey lagu garaacay kooxdiisa.

Kabtanka Barcelona ayaa dhinaciisa aan ku jirin waqti fiican, waxaana la saluugsan yahay bandhiggiisa inkasta oo kulankii Ferencvaros uu ahaa Messi-gii la yaqaanay.

Dagaalka labadan ciyaartoy wuxuu doorka ugu weyn ku yeelan doonaa natiijada kulanka, iyadoo haddii uu Messi jabsado Varane ay Real Madrid oo dhani jabi doonto, haddii la xakameeyo oo la aamusiiyo Messi-na ay Barcelona qayb dhani dumi doonto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More