Xogta Xiddigaha Ka Dhaawacan Liverpoo Iyo Waqtiga Ay Soo
Liverpool ayaa rajaynaysa inay jidka guusha ee horyaalka Premier League kusoo laabato marka ay Sabtida berri garoonkeeda Anfield kusoo dhoweyso Sheffield United.
Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu guul la’aan ahayd kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka, iyadoo ciyaar muran dhalisay ay barbarro 2-2 ah ku kala baxeen Everton oo ay ku wada ciyaareen garoonka Goodison Park.
Reds ayay hadda dhaawacyo uga maqan yihiin xiddigo muhiim ah oo saddex ka mid ah ay ku dhaawacmeen kulankii Merseyside derby, waana Virgil van Dijk, Thiago Alcantara iyo Jol Matip.
Wargeyska Liverpool Echo ee kasoo baxa magaalada Liverpool ayaa soo bandhigay xogtii ugu dambaysay ee xiddigahan dhaawaca ah ka hor kulanka Sheffield United ee berri, waxaanu si toos ah u dul-istaagay laacib walba iyo xaaladdiisa.
Virgil van Dijk
Liverpool waxa inta ka hadhay xili ciyaareedkan ka maqnaan doona Virgil van Dijk kaddib dhaawac halis ah oo kasoo gaadhay jilibka kulankii Everton.
Difaacan reer Netherlands ayaa taakal adag uu ku qabtay goolhaye Jordan Pickford, waxaana uu geli doonaa qalliin lagaga samayn doono jilibka, illaa haddana ma jirto waqti cad oo loo qabtay inuu kusoo laaban doono garoomada, inkasta oo aanu xili ciyaareedkan ku jirin xisaabta kooxdiisa.
Thiago Alcantara
Laacibka khadka dhexe ee Thiago Alcantara ayaa dhaawac kasoo gaadhay kulankii Merseyside derby, waxaana dacasaad ku qabtay weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison oo lagu abaal-mariyey casaan toos ah.
Bilowgii hore, waxa jirta baqasho ah in dhaawaco Thiago uu halis noqon doono laakiin sawirro laga qaaday ayaa Reds ka farxiyey, waxaanay rajaynayaan inuu usoo laabto si degdeg ah ka hor inta aan la gaadhin bisha November oo jadwalku cidhiidhi yahay.
Jurgen Klopp ayaa laga filayaa in shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Sheffield United uu si cad ugaga warramo xaaladda dhaawaca Thiago.
Joel Matip
Joel Matip waxa uu ciyaaray 90kii daqiiqadood ee kulankii Merseyside derby isaga oo kasoo laabtay dhaawac gaadhay kulnakii Chelsea, laakiin laacibka reer Cameroon ayaa isla ciyaartan dhaawac kale haleelay, waxaanu seegay ciyaartii Ajax. Kulanka Sheffield United ee Sabtida berri ayuu taam u noqon doonaa, waxaana la eegi doonaa haddii Jurgen Klopp oo go’aamin doono inuu kusoo bilaabo.
11kii bilood ee ugu dambeeyey ayuu kaliya ciyaaray 165 daqiiqadood, inta kalena dhaawac ayuu ku maqnaa.
Alex Oxlade-Chamberlain
27 jirkan ayaa tababarka la qaatay kooxdiisa waqtigii ay ku sugnaayeen Austria ee xagaagii, waxaana mar kale gaadhay dhaawac la mid ah midkii Jordan Henderson haleelay qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii hore.
Waxa uu Chamberlain ku laabtay xarunta caafimaadka ee Melwood oo lagu daawaynayo, walina ma jirto xilli cayiman oo loo go’aamiyey soo laabashadiisa.
Kostas Tsimikas
Saxeexa cusub ee Liverpool ee Kostas Tsimikas ayaa la filayaa inuu kusoo laabto tababarka, balse waxa uu seegi doonaa ciyaarta Sheffield United, iyadoo uu taam u noqon doono ciyaarta toddobaadka dambe ee West Ham United.
Difaacan bidix ee u dhashay Giriigga ayaa dhaawac kasoo gaadhay kulankii Lincoln ee tartanka EFL Cup.
Alisson Becker
Jurgen Klopp ayaa kaga farxiyey jamaahiirta Liverpool hadalkii uu warbaahinta siiyey kaddib ciyaartii Everton oo uu tilmaamay inuu rajaynayo in Alisson Becker uu soo laabto.
Goolhayaha reer Brazil ayaan wali tababarka la qaadan kooxdiisa, waxaana uu seegi doonaa ciyaarta Sheffield United ee Sabtida, inkasta oo la filayo inuu diyaar u noqdo kulamada xiga.