Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Seddex Nin Oo Sawiro Selfie Ah Isaga Qaaday Maydka Diego

Qareenkii Diego Maradona oo lagu magacaabo Matia Morla ayaa u hanjabay seddex qof oo sawiro selfie ah isaga qaaday meydka halyeeyga Argentina.Seddex ka mid ah shaqaalaha goob la dhigay maydka Maradona ayaa sawiro isaga qaaday maydka ka dibna soo dhigay baraha bulshada. Mid ka mid ah waa la aqoonsaday waana laga ceyriyay shaqadiisa.Labada kale, kaliya waqti ayaa ka xiga in iyagana la aqoonsado oo shaqadooda ay waayaan sida ay sheegtay La Gazzetta dello Sport.Sawirada ay ka qaadeen maydka Maradona waxay dhacday intii maydkiisa…

Xiddigii Hore Ee Premier League Oo Si Kama Ah Ugu Saxiixay

Daaficii hore ee England Joleon Lescott ayaa si kama ah ugu soo laabtay garoomada isagoo ku biiray koox ka dhisan horyaalka heerka seddexaad ee Spain.Kooxda Racing Murcia ayaa ku dhawaaqday saxiixa 38 jirkaan maanta oo Jimce ah.Waxay xaqiijiyeen in Lescott uu kulankiisa ugu horeysa u ciyaari doono iyaga kulanka Copa del Rey ee ay ka horimaanayaan kooxda La Liga ka ciyaara ee Levante 16ka December.Si kastaba, waxaa haatan soo baxday sheeko qariib ah iyadoo xiddiga labada jeer ku guuleystay Premier League uu aaminsanaa inuu…

Steven Gerrard, Frank Lampard Iyo Paul Scholes Oo Lagu Kala

Steven Gerrard, Frank Lampard iyo Paul Scholes waxay seddexduba ahaayeen xiddigo cajiib ah.Laakiin midkee ayaa fiicnaa seddex xiddig ee Ingariiska?Waxaa jirta dood ilaa iyo maanta taagan xitaa haddii ay seddex ciyaaryahan ka fariisteen ciyaarista kubada cagta.Runtu waxay tahay inaysan jirin jawaab saxan ama mid qaldan oo ku saabsan doodaan.Haddii aad dooneyso gooldhaliyihii khadka dhexe ee ugu fiicnaa jillkiisa waa Frank Lampard.Haddii aad dooneyso qof sameyn kara wax walba, waa Steven Gerrard.Haddii aad rabto hal abuure…

Miyuu Sergio Aguero Ciyaari Karaa Isbuucaan Ka Dib Geeridii

Pep Guardiola ayaa sheegay in Sergio Aguero uu isku dayayo inuu diirada saaro inuu garoomada ku soo laabto isbuucaan inkastoo uu geeriyooday sodogiisii hore Diego Maradona.Xiddiga ugu goolasha badan Manchester City ayaa waxaa xaas u aheyd gabadha uu dhalay Maradona ee lagu magacaabo Giannina iyadoo u dhashay wiil.Dalka Argentina oo dhan ayaa haatan ku jira baroordiiq ka dib markii uu geeriyooday xiddigoodii ugu weynaa abid isagoo 60 sanno jir ah.Laakiin Aguero ayaa baaqi ku sii ahaaday Manchester City isagoo ka shaqeynaya…

Chelsea Oo Ka Mid Ah Afar Kooxood Oo Saxiixa Lionel Messi

Chelsea ayaa lagu waramayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa kabtanka Barcelona Lionel Messi iyadoo markii hore ay ku cadcadeyd Manchester City.Xiddiga reer Argentina oo 33 sanno jir ah ayaa la filayaa inuu isaga tago Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu qandaraaskiisa dhamaado.Messi ayaa isku dayay inuu ka tago Barca xagaagii la soo dhaafay ka hor inta uusan ka laabanin go’aankiisa si uu u sharfo sannadka uga haray qandaraaskiisa.Laakiin kabtanka Barcelona ayaa u muuqda mid aan weli ku qanacsaneyn…

Midkee Ku Wanaagsana Falanqaynta Ciyaaraha Khubarada Roy

Waxa la qiimeeyey khubarada ciyaaraha ee telefishannada ka falanqaysa kulamada tooska u dhacaya, kuwaas oo soo fadhiista istuudiyeyaasha TV-yada laga leeyaha waddanka Ingiriiska.Sky Sports, BBC Sports iyo BT Sports ayaa ah telefishannada laga leeyahay British ka ah ee ciyaaraha sida tooska ah u tabiya iyagoo istuudiyaha ku diyaariya ciyaartooyo hore uga fadhiistay ciyaaraha oo falanqayn ku sameeya kulamada ka hor inta aanay bilaabmin, xilliga nasashada iyo ciyaarta kaddibba.30 ciyaartoy oo hore oo telefishannadan soo…

Thiago, Naby Keita, Jordan Henderson Iyo Waqtiga Ay Soo

Liverpool ayaa Sabtida berri oo waqti hore ah waxay u tegi doontaa Brighton xilli ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo aan fursad u haysanin kulankan.Reds ayay nasiib-darradu kusii socotay ciyaartii Axaddii ay Leicester City ku qaabileen, waxaana dhaawac kaga baxay Naby Keita oo muruqa waxyeello kasoo gaadhay.Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisa ayuu dhaawacan ugu dambeeyey ugu biiray dersin ciyaartoydiisa ah oo bannaanka hore uga joogay garoomada, sida Virgil van Dijk, Thiago Alcantara, Trent Alexander-Arnold iyo Joe…

“Tottenham Waa Kuwii Aanu Sida Laydhka U Gudubnay, Waxaanu

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay Axadda ku qaabili doontaa naadiga ay isku magaalada yihiin ee Tottenham, waxaanay natiijada ciyaartani isbeddel ku keeni kartaa kaalmaha ugu sarreeya horyaalka Premier League.Tottenham oo hoggaanka horyaalka kala wareegtay Chelsea usbuucii hore ayaa waxay u baahan tahay inay guuleysato si ay ugu sii negaato booskeeda, laakiin Chelsea oo libinta hesha ayaa iyaduna waxay awood u yeelan doontaa inay hal dhibic ka sare marto Spurs.Kabtanka Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa digniin…

Xiddigaha Real Madrid Oo Caddeeyey Inay Ilaa Heer Dhimasho

Sharraxaad iyo sharraxaad la’aanba, Real Madrid waxay ciyaartoygeedu madaxa kor u qaadaan marka ay uguadag tahay, waxaanay tusaalihii ugu dambeeyey ku bixiyeen tartanka Champions League oo ay u muuqdaan inay xaqiijisanayaan booskooda wareegga 16-ka, xilli mugdi la gelinayay fursaddooda.Tababare Zinedine Zidane ayaa culays badan saaran yahay xili ciyaareedkan, gaar ahaan markii labadii ciyaarood ee ugu horreeyey tartanka Champions League midna laga badiyey midna uu barbarro galay.Ciyaartii ay dirqiga kaga baxsadeen Inter…

Isku-Aadka Isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 Ee Qaaradda

England ayaa ka mid noqotay 10ka kooxood ee lagu daba-fayli doono isku-aadka koobka Adduunka 2022 isreeb-reebka ay u gelayaan waddamada Yurub, kaddib markii ay FIFA soo saartay qiimaynta waddamada.FIFA ayaa shaacisay tobanka waddan ee ugu sarreeya qiimaynta dunida oo ay kaalinta afraad kaga jirto England, waxaanay taasi keenaysaa in isreeb-reebka Koobka Adduunka ee la samayn doono December 7 ay kala badbaadaan waddamada waaweyn, sida Belgium iyo Faransiiska.Waddamada qaaradda Yurub ayaa dhowaan bilaabi doona kulamada…