Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Mid Ka Mid Ah Daafacyada Ugu Muhiimsan Man United Oo Uu

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Alex Telles uu ku dhacay Korona Fayras.

Xiddiga reer Brazil ayaa wacdarro dhigay kulankiisii ugu horeysay ee ay 2-1 kaga badiyeen Paris Saint-Germain todobaadkii la soo dhaafay.

Si kastaba, waxay keentay in laga reebo kooxdii Man United ee barbaraha la gashay Chelsea halka uu sidoo kale seegay kulankii ay xaly 5-0 ku xasuuqeen kooxda RB Leipzig.

Tababaraha Manchester United Solskjaer ayaa xaqiijiyay ka dib ciyaartii xalay in saxiixooda cusub ee ka yimid FC Porto inuu ku dhacay Korona Fayras islamarkaana uu ku jiro karantiil.

Laakiin wax waqti ah uma qabanin xilliga uu daafacaan ku soo laaban doono kooxda.

Solskjaer ayaa yiri: “Telles waxaa laga helay Korona Fayras sidaasi darteed wuxuu maqnaan doonaa dhowr maalmood. Wax caalamad ah kama muuqdaan sidaasi darteed wuu fiicnaan doonaa. Dhawaan ayuu soo laabanayaa”

Daafaca garabka ka ciyaara ayaa noqonaya xiddigii labaad ee Manchester United oo uu ku dhaco Korona Fayras tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan.

Pogba ayaa sidoo kale laga helay fayraska intii uu la maqnaa xulka qaranka Faransiiska.

How do you rate this story?

0 votes