“Anigu Maan Arag Barcelona-dii Hore, Kalsooni Badan Kuma

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa shaaca ka qaaday dareenkiisa kooxdiisii hore iyo haddiiba ay awood buuxda u leedahay inay ku guuleysato UEFA Champions League markeedii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2015.

Xilli ciyaareedkii hore ayaa kaliya qalalaase iyo dib u dhac kusoo ahaa Barcelona iyagoo horyaalka La Liga booska 2-aad ka galay una waayay Real Madrid halka ay Champions League kaga hadheen gacmaha Bayern Munich oo 8-2 dhulka ku dhigtay.

Kooxda Catalans-ka ah ayaa ku jirta wakhti kala guur ah iyadoo uu tababaraha cusub ee Ronald Koeman uu yahay mid dib u dhis samaynaya xilli uu kooxda ka fasaxay xiddigo waaweyn oo ay kamid ahaayeen Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Luis Suarez iyo Nelson Semedo.

Haatan Rivaldo oo aragtidiisa ka dhiibtay BetFair ayaa sheegay in xilli ciyaareedku uu dheer yahay oo ay waxkasta dhici karaan balse uusan arki Barcelona oo u tartami doonta hanashada Champions League.

Halyeeyga ree Brazil ayaa yidhi “Waxa jirta wado dheer oo ay tahay in la qaado xilli ciyaareedkan laakiin ilaa haatan anigu maan arag Barcelona-dii qadiimiga ahayd ee hore”

“Anigu kalsooni badan kuma qabo kooxdan waxaanan filayaa inaysan muujinayn is-faham ku filan si ay ugu dagaallamaan koobka Champions League”

Barcelona ayaa sanadkii 2015 hanatay Champions League markeedii ugu dambaysay iyagoo wakhtigaas kulan ka dhacay Berlin 3-1 uga talaabsaday Juventus.

Kooxda ree Spain ayaa isla xalay Bianconeri oo Turin jooga 2-0 kusoo dilay ciyaar ka tirsan wareega Group-yada kaddib goolal ay ka kala heleen Lionel Messi iyo Ousmane Dembele.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More