Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali Region President Criticizes Claims of Exclusive Ownership Over Past Struggles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Fashilka!! 11-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Ee Kooxahoodu

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Shabakadda The Sun ayaa soo xulatay shaxda 11-ka ciyaaryahan ee ugu wanaagsan horyaalka Premier League balse ay gabi ahaanba fogeeyeen kooxahoodu ee aan waxa muhiimada ah ee weyn u lahayn xilli ciyaareedkan.

Shaxdan oo ay kooxaha waaweyni badsadeen ayuu goolhaye ka yahay Sergio Romero oo Man United ah, Romero ayaa ah shabaq ilaaliye cajiib ah balse hoos ugu dhacay xulashada saddexaad ee kooxdaas xilli ciyaareedkan kaddib soo laabashada Dean Henderson.

Shaxdan oo hanaanka 3-4-3 u samaysay ayay saddexdeeda daafac dambeed yihiin Sokratis oo xulashada Arsenal iyo Mikel Arteta hoos uga dhacay, Danny Rose oo qudhiisa uu deyriyay Jose Mourinho iyo Phil Jones oo aan mudo garoomada usoo gelin Man United.

Afarta khad dhexe ee shaxdan ayaa kala ah Danny Drinkwater oo lagu ilaaway Chelsea, Jack Wilshere oo dhawaan West Ham United laga fasaxay, Delle Ali oo uu Mourinho cadaadis ku saarayo Tottenham iyo Atsu oo aan mudo dheer Necwastle United kasoo muuqan.

Saddexleyda weerar ee shaxdan ayaa kala ah Bolasie oo aan ku guuleysan inuu fursad ka helo Carlo Ancelotti iyo Everton, Daniel Sturridge oo koox la’aan ah kaddib markii Trabzonspor laga diray iyo waliba ninka ay dhibaatada weyni ku haysato Arsenal ee Mesut Ozil.

Shaxda Oo Sawir Ah

How do you rate this story?

0 votes