Andrea Pirlo Oo Qirtay In Qorshihii Uu Soo Dejistay Ka Hor

Tababare Andrea Pirlo ayaa qirtay inuu u shaqayn waayey qorshihii uu u dejistay kulankii kooxdiisa Juventus ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Barcelona ay ku garaacday 2-0.

Pirlo oo laba kulan oo kaliya ay kooxdiisu guuleysatay xili ciyaareedkan, isla markaana ay saddex ciyaarood oo Serie A oo isku xiga soo barbarraysay ka hor intii aanay Barcelona ku garaacin Allianz Stadium.

Saddex gool oo aan waxba tarin oo dhamaantood offside ahaan looga masaxay ayay Juventus heshay, waxaana u saxeexay Alvaro Morata, halka Barcelona ay goolka koowaad ku heshay laag uu meel fog ka toogtay Ousame Dembele iyo rikoodhe uu dhamaadkii ugu daray Lionel Messi.

Andrea Pirlo oo warbaahinta la hadlay kaddib ciyaarta ayaa waxa uu sheegay inay u taallo shaqo badan oo ah inuu kooxda dhiso illaa inta ay gaadhayaan inay u ciyaaraan sida heerka Barcelona oo kale.

“Waan sii ogeyn inay nagu adkaan doonto inaanu la ciyaarno koox dheesha kubbad qurux badan, dhaqanna ay u tahay inay heerkan ku ciyaarto halka annaguna aanu ku jirno shaqo horumarin ah oo aanu kooxda ku dhisayno.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Andrea Pirlo.

“Ciyaartani faa’iido ayay u noqon doontaa koritaanka iyo horumarka mustaqbalka. Waxa aan rajaynayay inay ciyaartoydu si degdeg ah noogu soo laabtaan, sababtoo ah ma haysto kala-doorashooyin badan, waxaanay ahayd in ciyaartoyda aan kusoo bilaabay ay 90ka daqiiqadood ba dhamaystaan laba jeer usbuucii. Taasi maaha wax u fudud iyaga, gaar ahaan marka ay yihiin ciyaartooyo da’yar oo aan khibrad badan lahayn.” Ayuu ku daray.

Andrea Pirlo waxa uu ka sheekeeyey qorshihii uu u dejiyey ciyaarta ee uu doonayay inuu ku jabiyo difaaca Barcelona ee u shaqayn waayey, waxaanu yidhi: “Qorshahayagu wuxuu ahaa inaanu u baahno difaaca Barcelona, laakiin annaga ayaa aad iskugu dhoweyn, waxaananu ku ciyaarynay layn isku mid ah.”

Tababaraha ruug-caddaaga Talyaaniga ah ee Fabio Capello ayaa isaguna ciyaartoyda Juventus ku eedeeyey in aanay kubadda siinayn Federico Chiesa oo ay la doonanayeen Paulo Dybala.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More