Darajo U Gaar Ahayd Messi Oo La Gaadhsiiyay, Shuruuda Ay

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona kana mid ah xiddigaha hormoodka u ah kooxdaas ee Gerard Pique ayaa lagu soo warramayaa in heshiiskiisa cusub ee kooxda lagu daray qandaraas u ogolaanaya in marka uu doono uu bilaash ku bixi karo waana darajo hore gaar ugu ahayd Lionel Messi.

Heshiiska cusub ee uu xiddigii hore ee Manchester United u saxeexay kooxdiisa ayaa ah mid gaadhsiisan ilaa 2024 waxaana sida ay wararku sheegayaan lagu daray qoddobo ay isaga iyo kooxduba marka ay doonaan ay ka shaqaysiin karaan.

Pique oo 33 sano jir ah ayaa Barcelona kula heshiiyay inuu qandaraaskiisa 220-ka kun ee Pound ah toddobaadkii uu 50% kooxda ka daayo xilli ciyaareedkan si uu uga caawiyo inay kor usoo qaado dhaqaale xumada ku dhacday.

Sidoo kale qoddob weyn oo xasaasi ah oo kamid ahaa heshiiska Gerard Pique dhawaan qalinka ugu duugay Blaugrana ayuu hadda wargeyska Sport daboolka ka qaaday.

Qoddobkaas ayaa ah inuu Gerard iskaga tagi karo kooxda markasta oo uu fisho inay tahay wakhtigii ku haboonaa ee uu kooxda ka tagi lahaa.

Faah-faahinta Sport ayaa sheegaysa in Pique qoddobkaas kaliya ka shaqaysiin karo haddii uu kooxda ku hawl-gabayo amaba uu meel kale sida horyaalka Maraykanka tagayo balse uusan ka shaqaysiin karin haddii uu koox weyn oo Yurub ah u wareegayo.

Qoddobada ayaan ahayn kuwo kaliya dhinaca Pique ka raran balse kooxda ayaa iyaduba gabi ahaanha heshiiskiisa kansali karta haddii uu in ka badan 35% kulamadooda xilli ciyaareedka ciyaari waayo.

Sidoo kale saddexda xiddig ee kala ah Frankie De Jong, Marc Andre Ter Stegen iyo Clement Lenglet oo kooxda dhawaan heshiis kordhin u sameeyay ayaa iyagana min 30% mushaharaadkooda la dhimay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More