Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Maghrib 17:58
Muqdisho 26°C
Breaking: Mudulood Clan Elders Apologize for Killing SNA Soldier in Middle Shabelle
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Tii Horeba Tanaa Ka Daran!! Barcelona Oo Barteeda Twitter-ka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Kaddib guushii 2-0 ahayd ee ay Barcelona kasoo gaadhay Juventus oo ay ugu tagtay magaalada Turin ee waddanka Talyaaniga, waxay weerar ku qaadday Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa oo ay ku karbaashtay baraha bulshada.

Kooxda reer Catalonia ayaa guul-darrooyin isku xigay oo kasoo gaadhay tartanka horyaalka Spain ee LaLiga, waxay iskaga maydhay Juventus oo waqti hore uu gool masaafo fog ah ka dhaliyey Ousmane Dembele oo goolhaye Wojciech Szczesny u diiday inuu is-dhaqaajiyo.

- Advertisement -

Daqiiqaddii 91aad ee dhamaadka ciyaarta ayaa Barcelona loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Lionel Messi oo dhinaca qaldan u diray Wojciech Szczesny, halka Merih Demiral isagana loo taagay kaadh cas oo ay Juventus ciyaarta ku dhamaysatay 10 ciyaartoy.

Kulanka Juventus iyo Barcelona oo gorfayn badan lagu sii sameeyey ayaa waxay jamaahiirtu filayeen inuu kulmin doono Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, laakiin laacibka reer Portugal ayaa laga joojiyey inuu ciyaaro kaddib markii baadhitaan saddexaad oo lagu sameeyey lagu ogaaday inuu wali hayo xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay badhtamihii bishan.

Ronaldo ayaa ka hor ciyaarta waxa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitterka uu ku sheegay ‘inuu dareemayo fiicnaan iyo caafimaad’, isaga oo dhinaca kalena duray mishiinka baadhista xanuunkan ee PCR.

Waxyar ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ayuu Ronaldo mar kale muuqaal uu iska soo duubay waxa uu ku muujiyey isaga oo ku lebbiskan dharka Juventus ee kulanka oo iska dhigaya inuu diyaar u yahay ciyaarta, waxaanu ku daray dabbaal-degga uu sameeyo marka uu goolasha dhaliyo.

Laakiin Barcelona ayaa iyaduna baraha bulshada kaga aargoosato Ronaldo markii ay guusha ciyaarta isku hubsatay.

Kooxda reer Spain ayaa barteeda Twitterka ku xasuusisay Juventus iyo Ronaldo, inay ku faraxsan tahay inay mar kale garoonka ku arkaan GOAT (xiddiga ugu fiican abid), taas oo ay si dadban Ronaldo ugu sheegeen inuu Messi ka wanaagsan yahay.

We are glad you were able to see the ? on your pitch, @juventusfcen! ? pic.twitter.com/yh74wh0lNJ

— FC Barcelona (@FCBarcelona) October 28, 2020

Inkasta oo Ronaldo uu maqnaa, Juventus ayaa dhashatay saddex gool oo uu saxeexay Morata oo OFFSIDE ah, dhamaantood na meesha laaga saaray.

Barcelona waxay hadda leedahay lix dhibcood iyo lix gool iyadoo ciyaartii hore ee Ferencvaros kusoo adkaatay 5-1, halka Juventus ay haysato dhibic kaliya oo ay barbarro 2-2 ah lasoo gashay Dynamo Kiev usbuucii hore.

How do you rate this story?

0 votes