Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Saxafi Taleefan Toos Ugu Wacay Mulkiilaha PSG, Arrimaha

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser El Khelaifi ayaa diiday inuu ka faaloodo wax ku saabsan wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo aan mustaqbalkiisu dhawaanahan ahayn mid lugo adag ku taagan.Wararka xanta ah ayaa yimid kaddib markii Neymar uu guushii Man United kaddib sheegay inuu aad u doonayo inuu markale la ciyaaro Lionel Messi oo uu filayo inay sidaasi dhici doonto xilli ciyaareedka dambe.Saxafiga ree France ee Cyril Hanouna ayaa sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo…

Liverpool Oo War Wanaagsan Ka Helaysa Saddex Xiddig Oo Ka

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xog cusub kasoo saaray xaalada xiddigaha kooxdiisa dhaawaca kaga maqan ee Trent Alexander Arnold, Naby Keita iyo Alex Oxlade Chamberlain.Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan kusoo dhibtootay dhaawacyo saameeyay inta badan xiddigaheeda muhiimka ah iyadoo lamaanihii daafaca dhexe ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ay adagtahay inay markale xilli ciyaareedkan ciyaaraan.Sidoo kale Naby Keita iyo Alexander Arnold ayaa seegay kulamo dhawr ah muddooyinkan ugu dambeeyay balse haya wadadii…

Premier League Oo Ku Dhawaaqay Afar Tababare Oo Ku Tartami

Maamulka horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska afar macalin oo ku tartami doona abaalmarinta tababarihii ugu fiicnaa horyaalkaas bishii ina dhaaftay ee November.Afarta tababare ee tartami doona ayaa kala ah Ole Gunnar Solskjaer oo Man United ah, dhigiisa Chelsea ee Frank Lampard, Jose Mourinho oo Tottenham ah iyo David Moyes oo wakhti fiican ku qaadanaya West Ham United.Jose Mourinho ayaa afar kulan oo bishaas ah saddex guulood iyo hal bar-bardhac u keenay Tottenham waxaana kamid ahaa kulan ay guul…

Miyuu Thomas Partey Diyaar U Yahay Kulanka Adag Ee

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday fursada khadka dhexe ee kooxdiisa ee Thomas Partey uu u haysto inuu ka qayb qaato kulanka adag ee ay Axada la yeelan doonaan dhigooda Tottenham ciyaarta North London Derby.Saxeexii xagaaga ee Arsenal ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Aston Villa guuldarrada kala soo kulmeen bishii hore waxaana uu maqnaa tan iyo wakhtigaas.Thomas Partey ayaa seegay dhammaan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal ciyaartay iyadoo kooxdiisu ay mudadaas hal dhibic kasoo heshay…

Shaqsi U Dhaw Diego Maradona Oo Aan Wali Loo Sheegin

Tababarihii hore ee xulka qaranka Argentina ee Carlos Bilardo ayaan wali loo sheegin oo aan waxba ka ogayn geerida xiddigiisii hore ee Diego Maradona oo dhawaan da’da 60 sano jir ku qudh baxay.Bilardo ayaa ahaa tababarihii Argentina ee koobkii aduunka ee 1986 markaas oo ay kusoo wada guuleysteen tartanka oo lagu qabtay dalka Mexico, sidoo kale xilli ciyaareedkii 1992/93 ayuu kusoo layliyay kooxda Sevilla.Walaalka Bilardo oo lagu magacaabo Jorge ayaa sheegay dhawaan inaysan u sheegin wali warka naxdinta leh ee ah geerida Mara…

Barcelona Oo Go’aan Kaga Nixisay Man United, Laba

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…

Min Saddexleyda Weerar Ee 20-ka Kooxood Ee Premier League Oo

Kooxdee wakhtigan haysata saddexleyda weerar ee ugu fiican dhammaan kooxaha wakhtigan qaybta ka ah Premier League? waa su’aal aan jawaab toos ah laga bixin karin sababtoo ah xiddigaha caalamiga ah ee ay weerarka ku haystaan kooxahaasi.Kooxaha loo yaqaano lixda waaweyn ee Premier League ayaa dhammaan haysta saddexleyo weerar oo wanaagsan halka ay jiraan kooxo kale oo haysta weeraro aad u wanaagsan.Leicester City, Wolves, Everton iyo Aston Villa ayaa ah kooxo ka baxsan lixda kooxood ee sarre ee Prmeire League laakiinse haysta…

Waa Kuwan Labada Xiddig Ee Muhiimka Ah Ee Real Madrid Ka

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa la xusayaa inay kulanka adag ee Sevilla ka maqnaan doonaan kabtankeeda Sergio Ramos iyo daafaca midig ee Dani Carvajal.Warbixin uu soo saaray wargeyska ree Spain ee Marca ayaa sheegaysa sida ay labada daafacba hubaal u maqnaan doonaan ciyaarta Sevilla ay booqanayaan Sabtida balse ay isha ugu hayaan kulanka Champions League ee Borussia Monchengladbach.Labada xiddig ayaa ah kuwo labaduba si keli keli ah tababar u qaadanaya wakhtigan, walow la filayo inay soo laaban…

“Tani Waa Real Madrid Raggoow, Waxaynu……” Sergio Ramos Oo

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa lagu soo warramayaa inuu kulan deg-deg ah iskugu yeedhay dhammaan xiddigaha kooxdiisa kaddib guuldarrooyin is raacsan oo ay lasoo kulmeen muddooyinkan ugu dambeeyay.Real Madrid ayaa kulankii ugu dambeeyay guuldarro 2-0 ah kala soo kulantay Shakhtar Donestk, Ramos ayaa kulanka uu iskugu yeedhay dhammaan xiddigaha kooxda kaga hadlay muhiimada kulanka ay la yeelan doonaan Borussia Monchengladbach ee ugu dambeeya heerka Group-yada Champions League.Real Madrid oo booska saddexaad…

Arsenal Oo Xasuuq Geysatay Xilli Taageerayaasha Ay Ku Soo

Arsenal ayaa ku dhameysan doonta kaalinta 1aad ee group-kooda Europa League ka dib markii ay si raaxo leh 4-1 ugu xasuuqeen kooxda Rapid Vienna xilli Emirates Stadium ay soo xaadireen markii ugu horeysay taageerayaal gaaraya 2 kun tan iyo bishii March.Ciyaaryahanadda Arsenal ayaa sacab ku soo dhaweeyay taageerayaasha ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin iyadoo taageerayaashii nasiibka u helay inay daawadaan kulankaan ay ka heleen ciyaar xiiso badan oo ay Gunners gacanta sarre heysatay.Alexandre Lacazette ayaa goolasha daah…