Waa Kuma Qofka Ay Barcelona U Dooratay Inuu Lionel Messi Ku

Xiddigga Barcelona ee Lionel Messi ayuu heshiiskiisu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan socda, laakiin wax  ka yar laba bilood kaddib ayuu xor u noqon doonaa inuu la xaajoodo kooxaha kale isaga oo aan ka talo-gelinayn naadigiisa, isla markaana lasii gaadha kara heshiis is-faham.

Sida uu qoray wargeyska Diario Sport, waxa jirta hubanti la’aan dhinaca madaxda kooxda ah oo aan haysanin qof ay ku kalsoon yihiin inuu awood buuxda u leeyahay inuu la xaajoodo Messi oo ku qancin kara inuu qandaraas cusub saxeexo.

Arrintan oo imanaysa xilli uu Lionel Messi sii sheegay inuu Barcelona joogayo xili ciyaareedkan oo kaliya ayaa waxay kooxda fursad yar u haysataa inay ka shaqayso sidii ay laacibkan ugu sii hayn lahaayeen Camp Nou sannado kale, iyadoo waqtigooda ugu badan ee ay hawshan qaban karaanna tahay inta ka horreysa bisha January.

Laakiin Barcelona ayaa waqtigan si weyn ugu mashquulsan sidii ay ciyaartoyga kooxdeeda ugu qancin lahaayeen inay mushahar dhimis sameeyaan ilaa maanta oo Khamiis ah, haddii kalena ay dhici doonto inay kooxdu gebi ahaanba musalafto.

Kaddib iscasilaaddii Madaxweynihii hore ee kooxda  ee Josep Maria Bartoemu, waxa si ku-meelgaadh ah kursigaa ugu fadhiistay Carlos Tusquets oo xilka sii haynaya inta doorashadu ka dhacayso.

Tusquets oo sheegay in la filayo in doorashada Madaxweynaha ee Barcelona ay dhacdo bisha January ayaan qaadan karin door muhiim ah oo uu Lionel Messi ku qancin karayo.

Bisha January ee doorashadu dhacayso ayay warbaahinta Spain ku tilmaameen inay aad  ugu fog tahay Lionel Messi oo laga yaabo in waqtigaas uu kooxo kaleba heshiis  hordhac ah lasii gaadho, halka wada-xajoodka lagu qancin karayaana u baahan yahay waqti dheer.

Si kastaba, Barcelona ayaa la sheegay inay u xilsaartay tababare Ronald Koeman inuu kabtan Messi ku qanciyo inuu sii joogo kooxda, isla markaana uu si gaar ah iskaga xil saaro iyadoo uu u samaynayo wax kasta oo uu ku qancin karayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More