Mesut Ozil Oo Sheegay Inuu Kala Garan Waayay Mayl Iyo

Mesut Ozil ayaa sheegay inuu kala garan wayay kiilomitir iyo mayl ka dib markii lagu qabtay isagoo ku socda xawaare gaaraya 97 mayl saacadii.

Xiddiga laga saaray kooxda Arsenal oo isbuucii mushahar ahaan u qaata 350 kun ginni ayaa u sheegay maxkamada inay soo martay waqti kooban uu kala garan waayay labada cabir xilli uu gaari ku waday xawaare waali ah.

Ozil ayaa u qoray maxkamada ku taala Bromley: “Anigoo isku dayaya inaan qiil u yeelo falkeyga, waxaan aaminsanahay inay isku key darsantay wadada oo faaruq aheyd, gawaari kale oo aan soconin oo aan ku qiyaasi lahaa xawaaraheyga iyo inaan isku qalday kiilimotir saacadii iyo mayl saacadii.”

Boliiska ayaa qabtay isagoo xawaare sarre ku socda xilli uu ka soo noqday tababarka Arsenal 2dii bishii July 11:50 barqanimo.

Markii ay boliiska istaajiyeen, Ozil ayaan wax hadal ah ku oronin boliiska laakiin 32 jirkaan ayaa sharaxaad dheer bixiyay islamarkaana raaligeliyay maxkamada Bromley ka dib markii digniin culus la siiyay.

Ozil ayaa qoray: “Madaama ay jirto xakameynta Koorna Fayras, wadada ayaa aheyd mid faaruq ah.

“Sharaxaad kaliya ee aan bixin kara ayaa ah in madaama gawaari kale aysan soconin, waxaa meesha ka baxay diiradii aan saarayay xawaaraheyga.

“Gawaariga aan watay matoorkiisa ma aheyn mid dhawaaq badan bixininayay, wuxuuna gaar geer automatik ah.

“Waxaan ahay nin Jarmal ah waxaana la qabsaday inaan kaxeeyo gawaari isticmaala kiilomitir marka loo eego mayl saacadii.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More