Pierre-Emerick Oo Magacaabay Xiddiga Xiddig Ee Man United Ee
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la dhacay qaabka uu Thomas Partey u la qabsaday Arsenal garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba isagoo sheegay in xiddiga khadka dhexe uu jeebka ku tiray Paul Pogba, Fred iyo Scott McTominay kulankii ay ka badiyeen Manchester United.
27 jirkaan ayaa wacdarro dhigay kulankii ay Gunners u safartay Old Trafford isbuucii la soo dhaafay isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed ay amaaneen taageerayaasha, khabiirada kubada cagta iyo xiddigaha ay isku kooxda yihiin.
Aubameyang oo dhaliyay goolka kaliya ee ay Arsenal oo ku badisay oo ahaa rigoore daqiqiadii 69aad waxayna aheyd guushoodii ugu horeysay ee ay Old Trafford ku gaaraan kulan horyaalka ah muddo 14 sannadood ah.
Aubameyang ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiisa cusub Thomas Partey ka hor kulanka Arsenal caawa la ciyaareyso kooxda Molde ee Europa League.
“Qaab ciyaareed weyn ayay soo bandhigtay kooxda oo dhan, waxayna aheyd wax fiican in la arko Thomas Partey oo sidaas u ciyaaraya inkastoo uusan kooxda joogin muddo dheer.” ayuu yiri Aubameyang.
“Garoonka banaankiisa wuxuu ku yahay nin aan isla weyneyn, waxaadna taas ku arki kartaa garoonka dhexdiisa sababroo ah wuxuu garoonka dhexdiisa kugu siinayaa wax walba.
“Waa nin ay sahlan tahay in la fahmo, waa nin aamusnaan badan, runtii dhamaanteen aad ayaan u jecel nahay isaga.
“Sidoo kale kale waa nin qosol badan, mararka qaar wuu kaftamaa. Si dhaqso ah ayuu u la qabsaday kooxda.
“Garoonka dhexdiisa awoodiisa waa tamartiisa iyo qaabka uu u celiyo kubadaha rogaal celiska ah iyo kubadaha halista ah. Taasi ayaa muhiim weyn inoo ah.”
Aubameyang ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waxaan qabaa inuu meel ku xirtay xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Axadii, waa fekerkeyga, taasi ayaana muhiim inoo aheyd.
“Sidoo kale weerarka wuu ka qeyb qaadan karaa marka uu kubada helo, taasi iyadana muhiim ayay inoo tahay.”