Ole Gunnar Solskjaer Oo Kaalinta Koowaad Kaga Jira LIISKA

Ole Gunnar Solskjaer ayaa hoggaanka u qabtay liiska tababareyaasha waayaya shaqadooda ee la caydhin doono usbuucyada soo socda, kaddib guul-darrooyin xidhiidh ah iyo qaab ciyaareed liita oo Manchester United ay ka samaynaysay horyaalka Premier League iyo Champions League oo ay ugu dambaysay Istanbul Basaksehir oo xalay 2-1 kaga badisay.

Solskjaer ayaa ka sare maray laba tababare oo kale oo seeftu ay dul-saaran tahay, maamulka kooxahooduna ay ka tashanayaan waqtiga ay warbaahinta la wadaagayaan warqadda iyo go’aanka eryidda.

Tababaraha reer Norway ayuu mustaqbalkiisu ceel ku dhacay Axaddii markii ay Arsenal 1-0 kaga badisay, isla markaana ay Basaksehir si lama filaan ah ugu garaacday waddanak Turkey.

Betfair iyo Paddy Power oo qiimayn iyo saadaal ku sameeyey tababareyaasha ugu soo horreeya ee horyaalka Premier League xili ciyaareedkan laga caydhinayo, ayaa waxa kaalinta koowaad soo galay Ole Gunnar Solskjaer oo ay muujiyeen in aanay waxba u hadhsanayn.

Kulanka ugu dambeeya ee uu maamuli doono Manchester United ayaa lagu sheegay inuu yahay Everton oo ay Sabtida marti ugu noqon doonaan Goodison Park, kaas oo haddii ay guul-darro ka keenaan uu shandaddiisa xidh-xidhan doono.

Waxa kaalinta labaad ee tababareyaasha rajo la’aanta ah soo galay macallinka West Brom ee Slaven Bilic oo markii hore kaalinta koowaad ee shaqo ka caydhinta ku jiray iyo Scott Parker oo ah tababaraha Fulham.

Mauricio Pochettino ayaa ah tababaraha la saadaalinayo inuu beddeli doono Ole Gunnar Solskjaer oo isaguba qiray inuu saaran yahay culays weyn.

Inkasta oo Manchester United ay hoggaaminayso Group H ee tartanka Champions League oo ay lix dhibcood kaga heshay guulihii PSG iyo RB Leipzig, haddana waxay kaalinta 15aad fadhiyaan horyaalka Premier League iyagoo lix ciyaarood ka helay laba guulood oo kaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More