Bruno Fernandes Oo Dabka Kusii Shiday Tababaraha Cidhiidhiga

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa dabka kusii shiday tababaraha shaqadiisu halista ku jirto ee Ole Gunnar Solskjaer oo la sheegayo in la caydhinayo.

United ayaa jilbaha dhulka loo dhigay laba ciyaarood oo isku xigta, waxaana guul-darrooyin u xambaariyey Arsenal iyo Istanbul Basaksehir, taas oo soo dedejisay in Red Devils ay xidhiidh la samayso Mauricio Pochettino oo la sheegayo inuu beddelayo.

Inkasta oo Manchester United ay ku adkaysatay in aanay shaqada ka eryaynin Solskjaer, haddana kooxda ayaa rikoodhkii ugu xumaa bilowga horyaalka Premier League ka samaysay tan iyo sannadkii 1972kii, waxaanay taasi keentay in ciyaartoy uu hormood u yahay Bruno Fernandes ay dalbadaan in horumar ay kooxdu samayso, isla markaana isbeddel yimaaddo.

Red Devils oo kaalinta 15aad kaga jirta horyaalka Premier League waxay Sabtida u tegaysaa Everton oo jawi wanaagsan ku jirta inkasta oo ay lumisay hoggaamintii horyaalka ee bilowgii hore gacanta ugu jirta, waxaana la saadaalinayaa inay noqon karto ciyaarta ugu dambaysa ee Solsksjaer uu maamulo haddii ay guul-darraystaan.

Xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes oo hore loo wariyey inaanu la dhacsanayn taatikada tababare Solskjaer ayaa xiisad kale sii abuuray, waxaana uu usoo jeediyey ciyaartoyda iyo kooxdaba in la sameeyo horumar, isla markaana isbeddel lagu sameeyo qaab ciyaareedka.

“Horyaalka boos xun ayaanu kaga jirnaa, dhamaanteenna waynu ognahay taas. Waxaynu u baahanahay inaynu wax fiican qabano, waxaynu u baahanahay inaynu qabano shaqo ka  badan in afka laga yidhaahdo ‘kulanka dambe aynu wax fiican samayno’, sababtoo ah waxay noqon doontaa ciyaar innagu adag. Yoolkayagu waa inaanu mar horeba isku diyaarino halkaas.” Ayuu yidhi Bruno Fernandes.

Xiddigan oo qaab ciyaareedkiisu liitay kulankii Istanbul Basaksehir waxa uu intaa ku daray: “Wax walba way qaldameen, wax kasta sida qaladka ah ayaanu u samaynay (kulankii Basaksehir). Qaabka cidhiidhintayadu muu ahayn mid fiican tan iyo bilowgii ciyaarta, si ka wanaagsanna waanu samayn karnaa, qof walbana sidaas ayuu dareensan yahay. Waxaanu ognahay in aan lanaga dhalin kareen goolal noocaas ah.”

26 jirkan ayaa intaas kaddib tooshka ku iftiimiyey tallaabada loo baahan yahay inay kooxdu qaaddo, waxaanu yidhi: “Hadda waxa la joogaa waqtigii la eegi lahaa wixii qaldamay, si aanu u wanaagsanaano ciyaarta dambe.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More