Messi, Ramos, Modric, Ozil, Puig, Alaba, Aguero & 20ka

Xiddigo waaweyn ayaa ay heshiisyadoodu dhamaad yihiin, waxaana bannaan fursado badan oo si bilaash ah ay koox kastaa ku helayso laacib dunida magac ku leh oo haddii ay hore u dalban lahayd aanay xataa lacag kastaa u goyseen.

David Alaba ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee kusoo biiray xiddigaha waaweyn ee xorta ah ee kooxda ay doonaan tegi karaya marka uu dhamaado xili ciyaareedkan socda, balse hortii ayay liiska ku jireen kabtannada labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ee Lionel Messi oo hore usii sheegay inuu tegayo dhamaadka xili ciyaareedkan iyo Sergio Ramos oo uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedka balse aan wali la isla ogolaanin saxeexa heshiis muddo kordhin ah.

Messi iyo Ramos waxay ku jiraan duruufo kala duwan, waxaana in kasta oo uu mid kastaa laf-dhabar u yahay kooxdiisa haddana kala badan filashada iyo rajada ah inay sii joogayaan naadiyadooda.

Lionel Messi ma haysato kooxdiisu kalsooni badan, waxaanay xasuusan yihiin sidii uu iskugu deyey inuu ka tago xagaagii dhowaa iyo khilaafkii badnaa ee ka dhashay arrintaas oo keentay in muran sharci iyo xurguf geleleftay kooxda lagu joojiyey.

Laakiin Sergio Ramos iyo Real Madrid waxay isku qabaan niyad-samaan, mana jiraan kala fogaansho badan, taas oo kalsooni u siinaysa naadiga 13ka jeer ku guuleystay tartanka Champions League inay waqti kale sii haystaan kabtankooda oo uu heshiis cusub u saxeexo.

Luka Modric ayaa isaguna liiskan ku jira, waxaana kubbad sameeyahan reer Croatia uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan.

35 jirkan ayaa dhowaan qirtay inuu wali kusii jirayo garoomada, isaga oo hoosta ka xariiqay in aanay wali Real Madrid kala hadal heshiis cusub, balse uu kalsooni ku qabo in wax kasta ay dhamaan doonaan.

Waxa taas u dheer oo ku riixi karta inuu qaato go’aan uu kaga tegayo Bernabeu, in waqtigu gabaabsi yahay oo marka la gaadho bisha January uu kooxda uu doono la xaajoon karo. Mid kale oo iyaduna ku riixaysa bixitaan ayaa waxay tahay in Zinedine Zidane uu yareeyey waqtigiisii ciyaareed oo uu kaydka dhigay kulamo badan xili ciyaareedkan, illaa uu gaadhay heer ay jamaahiirtu ku qoreen mid kaydka u fadhiya Fede Valverde iyo Martin Odegaard.

Gool-dhaliyaha reer Argentina ee Sergio Aguero ayaa isagana la filayaa inuu raaco raadkii halyeeyada kooxdaas ee Vincent Kompany, Yaya Toure iyo David Silva, isla markaana uu iskaga baxo Etihad Stadium iyadoo aanay wali dhamaanin xirfaddiisu oo uu waqti kale kusii qaato meel kale.

Sannadkii ugu dambeeyey ayaa u socda, waxaana la sheegayaa in aanay wali isaga iyo kooxdu iskugu imanin miiska iyagoo ka arrinsanaya inuu heshiis cusub saxeexo.

Barcelona ayay haysataa dhibaato kale oo ah in da’yarkeeda Riqui Puig oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta kooxa uu heshiiskiisu galay sannadkii ugu dambeeyey.

Tababare Ronald Koeman oo laga sugayay inuu ku qanciyo laacibkan inuu boos joogto ah heli doono ayaa kaydka usii diray, xilli aanu ogolaanin inuu heshiiskiisa kordhiyo maadaama aanu haysanin damaanad ciyaareed.

Memphis Depay iyo Eric Garcia oo labadaba Barcelona lala xidhiidhinayay ayaa iyaguna xili ciyaareedkii ugu dambeeyey ku qaadanaya Lyon iyo Manchester City.

Kubbad-sameeyaha Muslimka ah ee Mesut Ozil oo Arsenal dibed-joog ka ah ayaa isaguna sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa Emirates Stadium qaadaya, shakina kuma jiro inuu ka tegayo kooxdaas marka uu xili ciyaareedku dhamaado.

Halkan kaga bogo 20 xiddig oo waaweyn oo heshiiskoodu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan, si xor ahna uga tegi karaya kooxahooda:

Lionel Messi (Barcelona)

Sergio Ramos (Real Madrid)

Luka Modric (Real Madrid)

Diego Costa (Atletico Madrid)

Memphis Depay (Lyon)

Eric Garcia (Manchester City)

Riqui Puig (Barcelona)

Sergio Aguero (Manchester City)

Angel Di Maria (Paris Saint-Germain)

Julian Draxler (Paris Saint-Germain)

Gianluigi Donnarumma (AC Milan)

Hakan Calhanoglu (AC Milan)

Mesut Ozil (Arsenal)

Georginio Wijnaldum (Liverpool)

Arkadiusz Milik (Napoli)

Edinson Cavani (Manchester United)

Gio Reyna (Borussia Dortmund)

Jerome Boateng (Bayern Munich)

Javi Martinez (Bayern Munich)

Zlatan Ibrahimovic (AC Milan)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More