“Cristiano Ronaldo Waa Jaahil, Ixtiraamna Uma Hayo Xiddigaha
Cristiano Ronaldo ayaa ugu danbeyn garoomada ku soo laabtay ka dib markii uu in muddo ah karantiil ku jiray markii uu ku dhacay cudurka Korona Fayras.
Weeraryahanka ayaa ciyaaray kulankii Champions League ee ay ka badiyeen kooxda reer Bulgaria ee Ferencvaros laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto iyadoo Juventus ay 4-1 ku badisay.
Si kastaba, ciyaarta ka dib wuxuu dhaleeceyn weyn kala kulmay xiddigii hore ee Juventus Pasquale Bruno kaasoo u dheelay kooxda Turin ka dhisan intii u dhaxeysay 1987 ilaa 1990.
Bruno ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay hab dhaqanka Cristiano Ronaldo ee qolka labiska Juventus.
“Ronaldo waa jaahil. Wuxuu Talyaaniga ku nool yahay haatan labo sannadood, welina luqada ma uusan baranin. Wuxuu ku hadlaa Isbaanish. Ixtiraam uma hayo xiddigaha ay isku kooxda yihiin iyo guud ahaan dadka Talyaaniga” ayuu 58 jirkaan ka sheegay barnaamijka Tiki Taka ee ka baday Mediaster Italia.
Laakiin eedeynta ka timid Pasquale waxaa Ronaldo ka difaacay xiddiga ay iska garab ciyaaraan ee reer Spain Alvaro Morata.
“Uma baahna inaan ka hadlo qofka uu Cristiano yahay iyo waxa uu sameeyo” ayuu yiri Morata.
“Waa nin mar walba diyaar kuu ah, qof walba ayaa jecel, wuxuu qeyb ka yahay kooxda.
“Waa xiddigeena inoogu muhiimsan, waxaana rajeynayaa inuu mar walba heerka ku sii xiga midka haatan uu gaaro.”