Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Mucjisada Messi Oo Guul Weyn Ku Hogaamisay Barcelona, Koeman

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 3-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~3 min audio

Barcelona ayaa guul gaartay markii ugu horeysay horyaalka La Liga muddo ka badan bil iyagoo 5-2 ku xaaqay kooxda Real Betis oo marti ku aheyd Camp Nou, xilli Messi oo kursiga keydka ka soo kacay uu dhaliyay labo gool islamarkaana uu caawiye ka noqday gool kale.

Messi ayaa tusay macalinkiisa Koeman inuusan u qalmin kursiga keydka madaama Barcelona ay guusha gaartay markii uu garoonka soo galay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Real Betis ay ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan markii casaan laga siiyay Mandi.

- Advertisement -

Natiijadaana ayaa ka dhigay in Barcelona ay ku jirto kaalinta 8aad iyagoo leh 11 dhibcood, waxay weli hal dhibic ka danbeeyaan kooxda ay ka badiyeen ee Real Betis.

Tababare Ronald Koeman ayaa dad badan ka yaabiyay kulankii maanta isagoo kursiga keydka ku soo bilaabay xiddiga reer Argentina Lionel Messi kaasoo aan keyd fariisanin muddo 413 maalmood ah, sababta keyd loo geliyay ayaa aheyd inuusan caabooneyn madaama uu ciyaaray kulamo badan xilli ciyaareedkan.

Griezmann ayaa hogaaminayay weerarka Barcelona iyadoo ay caawinayeen Ansu Fati, Ousmane Dembele iyo Pedri. Waxayna Barcelona ciyaarta ku bilaabatay si cajiib ah iyadoo Griezmann iyo Fati ay min labo jeer u dhawaadeen inay shabaqa soo taabtaan 15kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta.

Betis ayaa iyagana fursado abuuray laakiin Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay daqiiqadii 23aad markaasoo uu Ousmane Dembele gool aad u qurux badan shabaqa dhex dhigay isagoo baas macaan ka helay Antoine Griezmann.

Shan daqiiqo ka dib Griezmann ayaa fursad kale helay markii uu kubad gool loo fishay uu u dhigay Pedri laakiin xiddiga Faransiiska ayaa mar kale qasaariyay.

Daqiiqadii 34aad Barcelona waxaa soo martay fursad ay hogaanka ku dheereysan kareen markii rigoore loo dhigay iyadoo Mandi uu qalad ku galay Ansu Fati xerada fanaaxa dhexdeeda, waxaa rigoorada u soo istaagay Griezmann laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Bravo.

Griezmann ayaa laga qabtay ama qasaariyay afartii rigoore ee ugu danbeysay ee uu u tuuray kooxdiisa ama xulkiisa Faransiiska.

Real Betis ayaase ku ciqaabtay Barcelona fursadaas ay iska qasaariyeen daqiiqadii 3aad ee seddex daqiiqo oo lagu daray qeybtii hore ee ciyaarta. Toni Sarabria ayaa goolka barbaraha u dhaliyay iyadoo caawiye uu ka noqday xiddigii hore ee Barcelona Tello. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Tababare Koeman ayaa ka maarmi waayay Messi isagoo soo geliyay bilowgii qeybtii labaad markii uu bixiyay Ansu Fati waqtigiisa nasashada, waxayna xiddiga reer Argentina ku qaadatay kaliya shan daqiiqo inuu saameyn ciyaarta ku yeesho isagoo gacan ka geystay gool uu Barcelona hogaanka ugu soo celiyay Antione Griezmann.

Alaba ayaa baas halis ah soo dhigay iyadoo Messi uu uga booday Griezmann oo dhameystiray taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1.

Barcelona ayaa ku dhawaatay daqiiqadii 57aad inay hogaanka sii dheereysato markii darbo gool loo fishay oo uu tuuray Dembele uu xariiqda goosha ka bixiyay daafaca Betis Mandi, laakiin wuxuu ku bixiyay gacantiisa.

VAR oo muddo dheer eegeysay dhacdada ayaa go’aamisay in Mandi uu mudan yahay casaan daqiiqadii 60aad iyadoo Barcelona loo dhigay rigoore, waxaa u soo istaagay kabtanka kooxda Messi kaasoo shabaqa ku hubsaday islamarkaana hogaanka Barcelona ka dhigay labo gool.

Dhamaan lixda gool ee Messi uu u dhaliyay kooxdiisa iyo wadankiisa xilli ciyaareedkan waa rigoore.

Betis oo 10 ciyaaryahan aheyd ayaa diiday inay quusato iyagoo gool soo ceshtay daqiiqadii 73aad markii uu shabaqa u soo taabtay Loren Moron.

Laakiin Messi ayaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 82aad markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee ciyaar furan xilli ciyaareedkan, markii cirib uu kubad ugu dhiibay Roberto iyadoo xiddiga reer Argentina uu si habsami leh u dhaliyay. Waa goolkii ugu horeysay ee aan rigoore aheyn oo uu dhaliyay mucjisada reer Argentina.

Messi ayaa ku dhawaaday inuu helo seddexleydiisa laakiin waa laga diiday madaama Sergi Roberto uu offside ahaa.

Laakiin waxaa ciyaarta goolkii shanaad ku soo xiray Pedri kaasoo shabaqa taabsiiyay kubad uu ka helay Sergi Roberto iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 5-2 oo ay Barcelona ku xasuuqday Betis oo 10 xiddig ku dhameysatay ciyaarta

How do you rate this story?

0 votes