Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaaryahanadda Real Madrid

Zinedine Zidane ayaa magacaabay xiddigaha Real Madrid ee safarka ugu tegaya kooxda Valencia, waxaanu soo doortay 20 ciyaartoy oo uu ku jiro laacibka khadka dhexe ee Martin Odegaard.

Kubbad-sameeyaha reer Norway ayaan ciyaarin tan iyo ciyaarihii caalamiga ahaa ee bishii October oo ahayd waqtigii uu dhaawacu soo gaadhay isagoo qarankiisa metalaya, laakiin soo laabashadiisa ayaa war wanaagsan u ah Los Blancos oo ay dersin ciyaartooyo ahi ka maqan yihiin.

Zidane ayaan u yeedhin lix ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxdiisa. Eden Hazard, Casemiro iyo Eder Militao ayaa dhamaantood laga helay xanuunka Korona Fayras oo ciyaartan ka maqan. Sidoo kale, Dani Carvajal, Alvaro Odriozola iyo Nacho Fernandez ayaa iyaguna dhaawac ah.

Difaaca midig ee Real Madrid ayuu mar kale iska yeelanayaa Lucas Vazquez oo ciyaarihii ugu dambeeyey si ku-meelgaadh ah uga sii ciyaarayay, halka dhinaca bidixna lagu aaminayo Ferland Mendy oo kaydka u diray Marcelo oo la saluugsan yahay ciyaartiisa, balse taam u ah kulankan.

Weeraryahanka culayska badan saaran yahay ee Luka Jovic ayaa mar kale kusoo baxay liiska xiddigaha uu Zidane u yeedhay, waxaana sidoo kale ciyaartii labaad oo xidhiidh ah diyaar ah Mariano Diaz oo kasoo laabtay dhaawac muddo dheer ah, halka labadii ciyaartoy ee badbaadiyey Los Blancos kulankii Inter Milan ee Rodrygo iyo Vinicius Jr oo goolkii guusha ka wada shaqeeyey ay iyaguna taam yihiin.

Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa la filayaa inay khadka dhexe kusoo wada bilaaban doonaan, halka uu Fede Valverde soo saddexayn doono maadaama Martin Odegaard uu dhaawac kasoo laabtay oo aanu kusoo bilaaban karin, balse la filayo inuu noqdo beddel.

Sergio Ramos oo goolkiisii 100aad u dhaliyey Real Madrid toddobaadkii hore ayaa hoggaamin doona kooxda, sidoo kalena Karim Benzema oo goolashu dib ugu furmeen muddo uu soomanaa kaddib ayaa isaguna taam.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Valencia oo dhamaystiran

Goolka: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Difaaca: Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy, Santos.

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Fede Valverde, Martin Odegaard, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius, Mariano, Rodrygo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More