Chelsea ayaa gaadhay guushii afraad oo xidhiidh ah, waxaanay meel iska saareen Sheffield United oo gool kala hormartay, isla markaana ay afar ciyaartoy oo kala duwan u dhaliyeen goolal.
Blues ayaa goolkii ugu horreeyey laga dhaliyey muddo shan kulan ah, waxaana kubbad dhulka socota goolhaye Mendy ka hoos saaray David McGoldrich, laakiin Tammy Abraham ayaa goolka barbarraha u keenay daqiiqaddii 23aad.
Aaron Ramsdale ayuu goolkiisu noqday mid u fasaxan ciyaartoyda Chelsea intaas wixii ka dambeeyey, waxaana kubbad uu meel fog kasoo tuuray Hakim Ziyech shabaqa ku leexiyey Ben Chilwell daqiiqaddii 34aad. Mar labaad ayuu Ziyech caawiye ka noqday goolka saddexaad ee Chelsea, kaas oo uu madax ku saxeexay Thiago Silva, halka uu goolka afraad ee ugu dambeeyana saxeexay Timo Werner.
Natiijadani waxay Chelsea geystay booska saddexaad ee kala-sarraynta horyaalka Premier League waxaanay ka dambaysaa Liverpool iyo Southampton, halka Sheffield United ay ugu hoosayso dhamaan kooxaha oo ay hal dhibic oo kaliya ka heshay siddeedii ciyaarood ee ay dheeshay.
Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood
Hakim Ziyech oo laba gool caawiye ka noqday, ciyaarta oo dhanna ahaa khatar weyn oo ku socday Sheffield United, isla markaana kubbadaha u kala habaynayay Blues ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta.
Inkasta oo aanu shabaqa soo taabanin, haddana Hakim Ziyech ayaa labada caawimood iyo bandhiggiisa ku mutaystay qiimaynta ugu sarraysay kulanka oo ahayd darajada 9.
Thiago Silva oo goolka saddexaad dhaliyey, isla markaana sameeyey difaacis wanaagsan iyo Kovacic oo ahaa caawiyaha goolka furitaanka Chelsea ayaa iyaguna ahaa labada ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa garoonka ee kusoo xigay Hakim Ziyech.
Silva iyo Kovacic ayaa helay darajada 9 ee qiimaynta kulanka, halka ciyaartoyda kale ee Blues ay wada heleen darajada 7 marka laga reebo goolhaye Mendy oo aan sidii looga baahnaa ugu dedaalin goolka ka dhashay.
Ciyaarta oo dhan waxa ugu liitay daddexda ciyaartoy ee Sheffield United uga kala ciyaarayay goolka, dhexda iyo weerarka ee Ramsdale, Lowe iyo Brewster oo qiimayntii ugu hoosaysay oo ahayd dajarada 4 ka helay kulanka.
Ma jirin ciyaartoy la odhan karayo wuu fiicnaa oo ku jiray Sheffield United, waxaana loogu qaatay laacibka goolka u dhaliyey madiga ah ee David McGoldrick.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Chelsea: Mendy (6), James (7), Thiago Silva (8), Zouma (7), Chilwell (7), Kante (7), Kovacic (8), Mount (7), Ziyech (9), Werner (7), Abraham (7)
Beddelka: Jorginho (6), Giroud (NA)
Sheff United: Ramsdale (4), Baldock (5), Basham (6), Egan (5), Stevens (5), Lowe (4), Berge (6), Norwood (5), Lundstram (5), McGoldrick (6), Brewster (4)
Beddelka: Osborn (5), McBurnie (5)