Skip to content
Sunday, September 13, 2026 30 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:41
Muqdisho 26°C
Breaking: Somali Region President Criticizes Claims of Exclusive Ownership Over Past Struggles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Sheffield Utd – Lampard Oo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Chelsea ayaa isbedel weyn sameysay tan iyo markii ay barbaraha 3-3 la galeen kooxda Southampton 17kii bishii October.

Tan iyo markaas waxay ciyaareen shan kulan oo aan wax gool ah laga dhalinin. Waxay maanta wajahayaan Sheffield United kuwaasoo iyagana raadinaya guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Premier League.

Chelsea waxaa kulanka maanta ka maqan Christian Pulisic oo dhaawac muruqa ah uu soo gaaray kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Burnley laakiin wuxuu ku soo laabtay tababarka.

Xiddiga garabka ka ciyaara Kai Havertz ayaa isna maqan isagoo weli ku jira karantiil ka dib markii laga helay cudurka Korona Fayras.

Kepa Arrizabalaga ayaa taam ah ka dib dhaawac garabka ah uu qabay laakiin Edouard Mendy ayaa booska koowaad kala baxay ka dib markii uu shabaqa ilaashada lix kulan oo isku xigta halka Caballero uu fadhiyo kursiga keydka.

Azpilicueta ayaa keyd galay iyadoo James uu ku soo bilowday booska daafaca midig iyadoo Thiago Silva iyo Zouma ay daafac dhexe ka ciyaarayaan halka Chilwell uu sii xajistay booskiisa daafaca bdiix.

Kante, Kovacic iyo Mount ayaa khadka dhexe ka dheelaya halka Ziyech iyo Timo Werner ay weerarka ku caawinayaan Abraham

Dhanka Sheffield United waxaa ka maqan Ethan Ampadu oo aan ka horimaan karin Chelsea madaama ay uu amaah uga soo tagay Blues.

SHAXDA RASMIGA AH:

Chelsea XI: Mendy, James, Thiago Silva, Zouma, Chilwell, Kante, Kovacic, Mount, Ziyech, Werner, Abraham

Keyd: Caballero, Rudiger, Jorginho, Giroud, Hudson-Odoi, Azpilicueta, EmersonS

Sheffield United XI: Ramsdale, Baldock, Basham, Egan, Stevens, Lowe, Berge, Norwood, Lundstram, McGoldrick, Brewster

Keyd: Verrips, McBurnie, Sharp, Burke, Jagielka, Robinson, Osborn

How do you rate this story?

0 votes