Tobanka Xiddig Ee Guusha Ama Guuldarada U Horseedi Doona Man

Kulanka ugu adag todobaadkan horyaalka Premier League waa midka ka dhacaya garoonka Etihad Stadium ee u dhaxeeya kooxaha ku tartamaya hanashada horyaalka ee Manchester City iyo Liverpool.

Manchester City iyo Liverpool ayaa horumar badan muujiyay tan iyo markii ay si aan hagaagsaneyn ku bilowdeen xilli ciyaareedka, sidaasi darteed kulanka Etihad Stadium waa mid la sugi la’ yahay oo la filayo in ciyaar xiiso badan ua ka soo bixi doonto.

Riyad Mahrez vs Andy Robertson

Awooda weerar ee Liverpool waxay inta badan ka soo bilaabataa garbahooda, iyadoo daafaca bidix Andrew Robertson uu wacdarro u dhigayay kooxda Jurgen Klopp sannadihii ugu danbeeyay. Xiddiga reer Scotland ayaa ah ka mid ah xiddigaha ka dhex ifaya daafaca Liverpool xilli ciyaareedkan, wuxuuna doonayaa inuu qaab ciyaareedkiisa ugu fiican kala hortago Manchester City.

Pep Guardiola waxa uu kalsoonidiisa siiyay Riyad Mahrez zilli ciyaareedkan iyadoo xiddiga reer Algeria uu inta badan natiijo ku hogaamiyo Manchester City. Laakiin Mahrez waxaa soo mara maalmo uu dansan yahay, si kastaba wuxuu u baahnaan doonaa qaab ciyaareedkiisa ugu fiican marka uu ka horimaanayo Robertson.

Daafaca garab ee Liverpool waxa uu waqtiga intiisa badan ku qaataa qeybta garoonka ee kooxda ka soo horjeeda laakiin waxa uu kulanka Etihad ka walwali doonaa inuu celiyo Mahrez. Riyad Mahrez waa xiddig halis badan maalinta ay maalintiisa tahay sidaasi darteed Robertson waxa uu u baahan yahay feejignaan badan.

Raheem Sterling vs Trent Alexander-Arnold

Raheem Sterling waxa uu xiddig weyn ku hoos noqday Pep Guardiola laakiin waxa uu u baahnaan doonaa inuu xirto kabihiisa ugu fiican kulanka Etihad. Xiddiga Ingariiska ayaa marna shidnaa marna dansanaa xilli ciyaareedkan, mana awoodi karo inuu seexdo kulanka maanta marka uu ka horimaanayo xiddiga ay isku xulka yihiin Trent Alexander-Arnold.

Sterling ayaa seefta mariyay Joe Gomez kulankii ugu danbeeyay ee labada kooxood, wuxuuna doonayaa inuu sidaas oo kale sameeyo kulanka Etihad. Daafaca midig ee Reds ayaa si kastaba ku dadaali doona inuu aamusiyo Raheem Sterling wax walba oo ay ku qaadato.

Trent Alexander-Arnold kuma riyaaqin qaab ciyaareed aad u fiican xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, kulankaan ayaana u noqonaya midkii uu dib ugu heli lahaa kalsoonidiisa. Daafaca midig ayaa awooda inuu soo bandhigo waqtiyo mucjiso ah laakiin sidoo kalena ma awoodo inuu sameeyo xitaa hal qalad marka uu ka horimaanayo xiddiga halista badan ee Raheem Sterling.

Sadio Mane vs Kyle Walker

Shaqada wacan ee uu Sadio Mane u qabto Liverpool ma ahan mid inta badan la soo hadal qaado laakiin muhiimada uu u leeyahay kooxda Jurgen Klopp ma ahan mid la qarin karo. Xiddiga reer Senengal ayaa wax badan xujo ku noqday Manchester City, wuxuuna isha ku hayaa kulankaan adag.

Kyle Walker ayaa ka mid ah ciyaartoyda dirada yar ee orod ahaan la tartami kara Sadio Mane. Daafaca Ingariiska ayaa soo bandhigay inuu dib u soo laabtay xilli ciyaareedkan laakiin waxaa sugeysa howl adag oo ah inuu aamusiyo xiddiga reer Senegal oo ay adag tahay in la xakameeyo.

Manchester City waxay u baahan tahay guul kulankaan si ay xilli ciyaareedkooda wadada saxda ah u soo saaraan, waxayna taasi ku xirnaan doontaa in Kyle Walker uu aamusiyo Sadio Mane.

Kevin de Bruyne vs Jordan Henderson

Mar kasta oo uu Kevin de Bruyne ku jiro shaxda Pep Guardiola, Man City waxay u muuqataa libaaxyo aan la celin karin. Xiddiga reer Belgium waa laacibka khadka dhexe ee ugu dhameystiran dunida, wuxuu awood u leeyahay inuu kaligiis go’aansado natiijada ciyaar, waana xiddiga ugu saameynta weyn Man City.

De Bruyne wuxuu udub dhexaad u ahaa guushii 4-0 ee ay Manchester City ku xasuuqday Liverpool dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Wuxuuna rajeynayaa inuu saameyn la mid ah yeesho.

Jordan Henderson waa geesiga aan loo heesin ee Liverpool sannadihii ugu danbeeyay, wuxuuna awoodaa inuu celiyo mucjisada De Bruyne. Henderson wuxuu khibrad u leeyahay sida looga dhex muuqdo kulamada waa weyn, qaab ciyaareedka uu kala hotagayo xiddiga ugu fiican khadka dhexe ee Premier League ayaa fure u noqon doonta guusha Liverpool.

Mohamed Salah vs Aymeric Laporte

Mohamed Salah ayaa durbaba halyeey ka noqday Liverpool. Boqorka reer Masar ayaa ah xiddiga ugu saameynta badan weerarka halista ah ee Liverpool. Iyadoo Sadio Mane iyo saxiixa cusub Diogo Jota ay dhankooda howsha ka wadaan, Salah ayaa ah xiddiga go’aamiya kulamada Liverpool.

Aymeric Laporte ayaa ahaa daafaca ugu fiican Manchester City. Daafaca dhexe ee Faransiiska ayaa ah xiddig hibo leh, wuxuuna u baahan yahay inuu taxadar ka muujiyo orodka iyo farsamada Mohamed Salah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More