Shaxda Adag Ee Arsenal Kula Ciyaari Doonto Aston Villa Oo

Mikel Arteta ayaa isbeddello badan ku samayn doona safka kooxdiisa kulanka Axadda berri ay iskaga hor iman doonaan Aston Villa, waxaanu kaydka u diri doonaa dersin ka mid ah xiddigihii uu kusoo bilaabay kulankii Europa League ee Molde ee Khamiistii.

Joe Willock, Eddie Nketiah iyo Nocolas Pepe ayaa dhamaantood kusoo bilowday ciyaartii ay guusha ka gaadheen Molde, waxaana tababare Arteta uu amaan u jeediyey kulanka kaddib laacibka da’da yar ee Willock oo uu ku sifeeyey mid leh ‘Tayo khaas ah’.

Mikel Arteta ayaa ciyaartaas nasiyey xiddigihiisa waaweyn sida Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette iyo Thomas Partey oo shaqo fiican qabtay kulankii Manchester United ay 1-0 ku garaaceen usbuucii hore.

Shaxda Arsenal ay Aston Villa kala hor-tegi doono ayaa la filayaa inay noqon doonto mid u qaabaysan 3-4-3 oo uu goolhaye Bernd Leno sii ahaan doono mid aanay cidina biraha dhexdooda ku qabsanin.

Difaaca ayay wada joogi doonaan saddexda ciyaartoy ee Rob Holding, Gabriel Magalhaes iyo Kieran Tierney oo bandhig fiican muujinaya.

Khadka dhexe ayay wadaagi doonaan Hector Bellerin oo marna difaaca midig iman doona, marna hore ugu soconahya dhexda dhinaca midigta, Thomas Partey, Mohamed Elneny iyo Bukayo Saka.

Saddexda weerarka ayaan la kala furfuri doonin, waxaanu Mikel Arteta kusoo bilaabi doonaa Willian, Lacazette iyo Aubameyang.

Shaxdan oo uu saadaaliyey wargeyska The Sun, ayay suurtogal tahay inuu isbeddel ku yimaaddo, balse inta badan xiddigahan ayay hubaal tahay inay kasoo muuqan doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More