DAAWO Axmaqii Nasiibka Badnaa! Jordan Pickford Oo Ku

Jordan Pickford ayaa mar kale nasiibkiisu shaqeeyey, waxaanu ka badbaaday in lagu ciqaabo qalad uu ku galay difaaca Manchester United ee Harry Maguire oo uu taako ku qabtay, taas oo aanu garsooraha ciyaartu ku qaadin qaladka uu sameeyey.

Goolhayahan oo laba toddobaad ka hor dhaawac weyn u geystay difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan garoomada ka maqnaan doona ayaa waxa uu dhulka ugu tuuray kabtanka Manchester United ee Maguire oo ay xulka qaranka England u wada ciyaaraan.

Laag xor ah oo ay Manchester United soo tuuratay ayuu Jordan Pickford isku dayay inuu soo qabto iyadoo usii baxaysa bannaanka, waxaanay ka baxsatay farihiisa, taas oo uu ka faa’iidaystay Maguire oo goolka oo cidlo ah fursad u haystay inuu ku leexiyo.

Laakiin Jordan Pickford ayaa isku soo tuuray isaga oo ka dambeeyey, waxaanu ku qalad keenay in Maguire uu dhulka gal-gasho.

Garsooraha dhexe ee ciyaarta hayay ee Paul Tierny ayaan dheg u dhigin kacdoonkii ciyaartoyda Manchester United ee ka gadooday qaladka Maguire, waxaanu u sheegay inay ciyaartu socoto.

Manchester United ayaa kulankan ka gaadhay guul weyn oo ay iska fudaydisay culayskii saarnaa tababare Ole Gunnar Solskjaer oo la sheegayo in shaqadiisu ku xidhnayd natiijada uu kulankan ka keeno.

Bernard ayaa gool kaga nixiyey Manchester United bilowgii horeba, waxaase ka furfuray Bruno Fernandes oo laba gool dhaliyey, mid kalena u hadiyeeyey Edinson Cavani.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More