Maalinta Axadda ah ee berri, war ayaa laga sugayaa in uu kasoo kordho mustaqbalka xiddiga reer Spain ee Saul Niguez ee khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid, waxaana laga raadin doonaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.Saul Niguez ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Premier League ee Manchester City, Manchester United iyo Liverpool, sidoo kalena waxa toddobaadyadii ugu dambaysay aanu magaciisu ka hadhin Barcelona, iyadoo la sheegayay in la isku beddelanayo Antoine Griezmann.26 jirkan ayaa ugu dambayn…